Qarax goor dhow ka dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya

by admin | Monday, Sep 21, 2015

Muqdisho ; HN ; – Qarax weyn ayaa wuxuu goor dhow ka dhacay afaafka hore ee Madaxtooyada Somaliya magaalada Muqdisho . Qaraxa wuxuu dhacay xilli la tukanaayay Salaaddii Maqrib.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaaya nooca uu ahaa qaraxan, dad meesha ka dhaw ayaa warbaahinta u sheegay qaraxu inuu ahaa mid uu fuliyay nin naftii hurre ahaa oo la socday baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qaraxan waxaa lagu soo beegay, iyadoo ay Madaxtooyada ka soconayso munaasabad lagu soo xirayo shirkii mudada saddexda maalmood ka soconaayay Magaalada Muqdisho.

Suxufiyiinta Magaalada Muqdisho oo goobjoog ka ahaa munaasabadda, ayaa waxaa loo akhrinaayay war murtiyeed laga soo saaray shirka.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!