Qarax goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Monday, Oct 13, 2014

Muqdisho : HN :–Tiro dad ah ayaa ku dhaawacmay qarax saaka ka dhacay gudaha garaash ku yaala isgooyska Black sea oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Qof goob jooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in uu qaraxa ka dhacay garaash ku yaalla xaafadda NBC ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Khasaaraha qaraxa ilaa hadda waxaa la sheegay inay ku dhaawacmeen shan qof,qof goob-jooge ah ayaa u sheegay warbaahinta in mid kaQaraxa Sayidka 1 (1) mid ah shanta qof uu qabo dhaawac halis ah.

Goob-joogaha ayaa tilmaamay in ay suur-tagal tahay in khasaaraha uu intaas ka badan yahay,  ma jirto ilaa iyo hadda tafaasiil dheeraad oo ka baxay qaraxa.

Qaraxan ayaa ku soo beegmay xili weerar u ekaa Ismiidaamin lagu qaaday maqaaxi ku taalla magaalada Muqdisho.

Hiiraan Net.

 

 

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!