Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhabo

by admin | Thursday, Mar 12, 2015

Baydhabo : HN :– Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya qaraxyo xoogan oo ismiidaamin ah oo goor dhaw lagu qaaday xarunta madaxtooyada maamulka Koonfur galbeed.

Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ku bilaawday weerar ismiidaamin ah, iyadoo rasaas ay xigtay, dad ku sugan Baydhabo ayaa inoo xaqiijiyay inay maqlayaan rasaas ka dhacaysa dhinaca Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed.

Wararka ayaa intaa ku daraya in dabley hubeysan ay weerareen xarunta Maamulka Koofur Galbeed ee uu Madaxweynaha ka yahayBartamaha-Baydhabo2 Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looma oga khasaaraha,waxaana xarunta la weeraray ku dhegan xerada Ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda.

Wararka qaar ayaa sheegaya in xilligii weerarka dhacayay uu gudaha xarunta ku jiray Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo xubno ka tirsan Maamulkiisa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!