Qarax ismiidaamin ah oo lagu qaaday masjid Shiico dalka Sacuudiga

by admin | Friday, May 22, 2015

Riyad; HN;- Weerar la sheegay inuu ahaa is qarxin ayaa lagu qaaday salaadii Jimacaha masaajid Shiicada ay leeyihiin oo ku yaala dalka Sacuudiga.

Dhimashada ayaa la sheegayaa inay gaareyso 10-qofood halka dhaawacuna intaa ka badan yahay.

Weerarka ayaa waxa uu ka dhacay gobalka waqooyiga ku yaala, oo ay u badan yihiin Shiicada laga tirada badan yahay.

Fiidiyow laga soo duubay masaajidka Imam Ali, ee uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa uu muujinayaa in qeybaha jirka bani’aadamka ay daadsanaayeen goobta ay wax ka dhaceen.

Qofka isa soo miidaamiyay ayaa qaraxa waxa uu fuliyay xilligii salaada jimcaha.

Saudi BombingWaa markii ugu horeysay oo qarax lala eegto masaajid ay leeyihiin Shiicada oo ku yaala dalka Sacuudiga, iyada oo ay isa sii tarayso xiisada ballaaran ee ka taagan gobalka Khaliijka ee u dhaxaysa Suniyiinta iyo Shiicada.

Sacuudiga ayaa hadda hoggaaminaya weeraro dhanka cirka ah oo ka dhan ah falaagada Shiicada ee Yemen, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay taakuleyn ka helayaan Iran.

Majirto cid sheegatay weerarkan ilaa iyo hadda, waloow maleeshiyada Daacish ay soo sareen digniin ay ku sheegayaan in ay weerarayaan Shiicada ku sugan Sacuudiga.

Sacuudiga kuma cusbo weeraro argagaxiso, waxayna ka guulaysteen mowjado weeraro bambaano oo dhacay sanad ka hor.

Balse waxaa weerarkaas ku qaaday Al-Qacida oo wadatay ujeedooyin ka duwan kuwa Daacish.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!