Qarax ka dhacay degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo

by admin | Sunday, May 3, 2015

Ceel-waaq : HN :–Inta la og-yahay shan ruux ayaa ku dhaawactay qarax maanta ka dhacay gudaha degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo, iyadoo dadka ku dhaawacmay uu ka mid ahaa Guddoomiyaha Degmadaas, Ibraahim Guuleed Aadan.

Guddoomiye ku xigeenka degmada Ceel-waaq, Faarax Macallin Bishaar oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in guddoomiyaha iyo ilaaladiisa oo laba qof ah, sarkaal ciidan iyo qof shacab ah.

“Qaraxu wuxuu ka dhacay goob uu guddoomiyuhu ku nasan jiray, waxaana u maleynaynaa in walaxda qaraxday ay ahayd mid xalay ceelwaaqlagu sii diyaariyay, dhaawicii guddoomiyaha waxaa loo qaaday dalka Kenya,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka.

Waxaa uu intaa ku-darray in baaritaanno ciddii ka dambeysay weerarkan lagu raadinayo, isagoo xusay inay u maleynayaan in ay ka dambeyso Al-shabaab, balse barista socota natiijada ay sugayaan.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa iyagana sheegay in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan, ciidanka dowladda ee degmadaas ku suganna ay rasaas badan fureen qaraxa kaddib, inkastoo aan la sheegin cid wax ku noqotay.

“Xaaladda Ceel-waaq waa mid aad u kacsan, ciidamada dowladda ayaa meel walba jooga, waxayna raadinayaan kooxihii weerarkaas ka dambeeyay,” ayuu yiri mid ka mid ah dadka degmadaas ku sugan oo warbaahinta la hadlay.

Inkastoo aan illaa hadda aysan jirin cid sheegtay mas’uuliyadda qaraxa uu ku dhaawacmay guddoomiyaha Ceel-waaq ayaa haddana wuxuu kusoo beegmayaa xilli dhaawanahan ay Al-shabaab weerarro dhowr ah ka geysteen gudaha dalka Kenya.

Degmada Ceelwaaq ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo ee ayaa ku dhow soohdinta ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya, waxaana dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo khasaare kala duwan geystay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!