Qarax ka dhacay degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir

by admin | Sunday, Jul 5, 2015

Muqdisho : HN :– Wararka naga soo gaaraya degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan hay’adda nabad-sugida dhaawac culus ka soo garay qarax lala eegtay gaari uu la watay, oo xiligaan marayay agagaarka Shaleemo Africa.

Dhaawaca sarkaalka ka tirsan hay’ada Nabadsugidda Qaranka oo lagu magacaabo, C/casiis C/qaadir Xabiib Muunye ayaa loola cararayqaraxgar isbitaalka si loogu daweeyo, iyadoo dad goob-joogayaal ah ay sheegeen in Qaraxu ahaa mid xooggan.

“Sarkaalka Nabadsugidda ka tirsan si xun ayuu u dhaawacmay, dhaawiciisuna Wuxuu ahaa mid u badan dhanka hoose ee jirka, ciidammo kale ayaana isbitaalka ula cararay,” ayuu yiri Goobjooge ku sugnaa halka uu Qaraxu ka dhacay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda Qaraxa sarkaalkan iyo sidoo kale, sidoo kalena weli kama aysan hadlin ha’yadaha Amniga dowladda, gaar ahaan hay’adda Nabad-sugidda oo uu sarkaalka la dhaawacay ka tirsanaa.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!