Qarax ka dhacay dhabarka danbe ee hotel Maka Al-Mukarama

by admin | Friday, Mar 27, 2015

Muqdisho : HN :–Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa goor-dhow ka dhacay dhabarka dambe ee Hotelka Maka A-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Dad goob joogayaal ahaa ayaa sheegay in qaraxa uu ahaa mid loo adeegsaday gaari noociisu yahay Noah, kaasoo sababay dhimashada iyo dhaawaca dad badan oo shacab ah.

Sidoo kale, qaraxa ayaa khasaare xooggan u geystay dhismaha hoteelka iyo kuwa ku dhow, iyadoo aan la ogeyn illaa hadda khasaarahaQarax-Muqdisho-2-Bartamaha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan Ismiidaaminta ah.

Weerarkan ayaa noqonaya kii oo bishan gudaheeda ka dhaca dhabarka dambe ee Hotel Maka Al-Mukarama, iyadoo weerarkan kii ka horreeyay ay sheegatay Xarakada Al-shabaaab ee Somalia.

Rasaas goos-goos ah ayaa weli ka dhacaysa goobta uu qaraxu ka dhacay halkaas oo ay xireen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia, waxaana dadka deegaanku ay sheegeen in xaaladdu ay cakiran tahay.

Wixii faah faahin waan idin soo gudbin doonaa..

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!