Qarax ka dhacay dulleedka magaalada Muqdisho

by wadani | Tuesday, Nov 14, 2017

Muqdisho : HN :-Qarax Ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa ka dhacay degaanka Waydoow ee duleedka Magaalada Muqdisho, waxaa lagu eegtay Kolonyo ay ka tirsan ciidamada AMISOM.

Qaraxan ayaa wararka waxa ay sheegayaan in lala eegtay kolonyo ciidamada Amisom oo maraayay labaajada degaanka Waydoow, halkaasi oo la soo warinaayo inuu ka dhashay khasaare xoogan.

Gaariga Qaraxa Ismiidaaminta loo adeegsaday ayaa noociisa wuxuu yahay NOAH, waxaana ka xeynaayay ruux naftii hure ah kaasi oo goobta ku geeriyooday.

Saraakiil ka tirsan ciidamada ammaanka oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in khasaare kale uusan ka dhalan qaraxaasi, marka laga reebo ruuxii waday gaariga ismiidaamiyay.

Goobta Qaraxa Ismiidaaminta uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray Saraakiisha ciidamada ammaanka, waxaana ay xireen goobta iyadoo uu socdo Baaritaan ku saabsan cida ka dabeysay Qaraxa.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!