Qarax ka dhacay goor dhaw Is-gooyska Baar Ubax ee magaalada Muqdisho

by Somali | Thursday, May 10, 2012 | 45 views

Muqdisho : HN :  Qarax miino oo siweyn looga wada maqlay inta badan xaafaddaha Muqdisho ayaa goor dhaw ka dhacay Is-gooyska Baar Ubax iyo inta u dhaxeysa Carwo Idka ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo waqtigaa goobta marayay ayaa waxaa ku dhintay inta la og-yahay ilaa labo ruux oo rayid ah, ku dhawaad shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa lagu waramayaa in ay ku dagaallameen agagaarka warshaqdii Taraqa iyo Sigaarka, kadib markii ay isku dhaceen ciidamo dhigtay barkoontarool oo sharci darrro ah iyo waliba kuwo kala oo doonayay in ay halkaa ka qaadaan.

Is-rasaaseynta ama iska horimaadka dhaxmaray ciidamada dowladda ayaa inta la xaqiijinayo waxaa ku dhintay hal ruux oo rayid ah, waxaana markii danbe soo kala dhaxgalay labada dhinac isla ciidamo kale oo ka tirsan dowladda KMG, waxaana u suurtagashay ciidamada dowladda in ay qaadaan bartii-koontarool ee dagaallku ka dhashay.

Hiiraan Net.

 

 

Like it? Share it!