Qarax ka dhacay goor dhaw wadada Maka Al-mukaarama magaalada Muqdisho

by admin | Sunday, Nov 16, 2014

Muqdisho : HN :– Waxaa goor dhaw ka dhacay wadadda Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho qarax sidda la sheegay ka dhashay walxo lagu dhajiyay gaari kuwa raaxad ah, waxaana qaraxa ku dhaawacmay inta la og-yahay hal ruux.

Qaraxan ayaa ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Sayidka, gaar ahaan meel u dhow Hotel Wehliye, iyadoo xilliga qaraxu dhacayay ay wadadu aheyd mid mashquul ah.

Gaariga ayaa gebi ahaanba bur buray, iyadoo xilliga qaraxu uu dhacayay uu gaariga wadada socday, sidoo kale qof wadada ag marayayQarx guriga shaqallaha ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray.

Wararku waxaa ay sheegayaan in qarax lala eegtay sarkaal horay uga tirsanaa Madaxtooyada Villa Somalia oo magaciisa lagu gaabiyay Mukhtaar Dheere, kaasoo dhaawac halis ah uu ka soo gaaray mid ka mid ah lugihiisa.

Wararka ayaa intaa ku daraya in ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ay muddo xireen, iyadoo dadkii ka ag dhowaa goobta ay u gurmadeen ninkan oo loola cararay isbitaalka Daaru-Shifaa.

Qaraxyada lagu dhejiyo gaadiidka ayaa ku soo badanayay magaalada Muqdisho, iyadoo si gaar ah loogu bartilmaameedsadanay dadka mas’uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!