Qarax ka dhacay gudaha xabsiga dhexe

by wadani | Friday, Aug 11, 2017

Muqdisho : HN :-Goor dhoweyd intii lagu jiray salaadii Jimcaha ayaa qarax xoog badan oo ismiidaamin ah waxaa uu ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar oo ku yaalla degmada Xamar jajab meel ku dhow dekeda Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan uu ka dhacay afaafka hore masjid ku yaalla barxada xabsiga dhexe, uuna fuliyey nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ninkan uu isku dayey inuu isku qarxiyo taliyaha xabsiga dhexe ee Muqdisho oo xiligaas gudaha xabsiga soo galay kana degayey gaarigiisa, waxayna wararku intaas ku darayaan in askari ka tirsanaa ilaalada taliyaha oo ka shakiyey uu kala tuuray ninkan oo markiiba goobta ku qarxay.

Taliyaha xabsiga dhexe ayaa la soo sheegayaaa inuu soo gaaray dhaawac fudud, waxaana inta la xaqiijiyey ku dhintay qaraxan labo ruux oo kala ahaa ninka isqarxiyey iyo askari ka tirsanaa ciidanka ilaalada xabsiga.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah