Qarax khasaare dhismasho sababay oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

by admin | Friday, Feb 27, 2015

Muqdisho : HN :–Inta la og-yahay labo ruux ayaa ku geeriyootay qarax goor-dhow ka dhacay isgoyska Cali Kamiin ee degmada Wardhiigley oo ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, iyadoo qaraxan lala beegsaday gaari kuwa raaxda ah.

Labada ruux ee geeriyooday ayaa la sheegay in ay wateen gaariga uu qaraxu haleelay, sida ay dad goobjoogayaal ah  ay u sheegeen warbaahinta.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in markii uu qaraxu dhacay dab xoog leh uu qabsaday gaariga iyadoo labadii ruux ee dhallinyarada ahaa ee saarnaana ay gudaha gaariga ku gubteen.

“Waxaan u maleynaynaa in qaraxa uu ahaa mid gaariga ku xirnaa, daqiiqado ka hor waxaa goobtan maray gaadiid ay wateen ciidamada AMISOM, wax ka dhacayna ma jirin,” ayuu yiri ruux ku sugnaa halka uu qaraxani ka dhacay.

Si kastaba ha ahaatee, qaraxan ayaa imaanaya xilli shalay madaafiic lagu weeraray xarunta madaxtooyada Somalia, iyadoo aysan jirin cid loosoo qabtay duqeyntaas oo ay sheegatay Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!