Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Wajeer ee gobollka W/bari Kenya

by Somali | Sunday, Feb 3, 2013 | 3 views

Kenya Grenade AttackWajeer : HN :   Wararka ka soo baxaya gobollka W/bari dalka Kenya gaar ahaa degmada Wajeer ayaa sheegaya kooxo hubeysan halkaa ka geysteen qaraxyo geystay qasaare isugu jiray dhimasho iyo dhawac.

Warar kala duwan ayaaa ka soo baxaya weerarka ka dhacay magaalada Wajeer ee gobollka W/bari dalka Kenya, iyadoo wararku sheegayaan in qof sitay walxaha qarxa ay ku qarxeen waxyaabihii uu sitay, halka warar kalana sheegayaan in qaraxu ahaa mid gacanta laga tuuray, islamarkaana qofka dhintay uu qaraxa ku geeriyooday.

Dad ku sugan magaalada Wajeer Wajeer ee gobollka W/bari Kenya ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamo badan ay goobta soo gaareen kuwaasi oo isku gadaamay halka qaraxu uu ka dhacay ee degmadaasi Wajeer ee gobolka W/bari bari  dalka Kenya.

Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in qofka weerarka fuliyay uu ahaa muwaadin u dhashay dalka Kenya nkastoo weli aaney ka hadlin Saraakiisha ammaanka ee dowladdaasi Kenya

Hiiraan Net

Like it? Share it!