Qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir

by admin | Thursday, Jan 8, 2015

Muqdisho : HN :–Inta la og-yahay labo ruux ayaa ku dhimatay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen qarax ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Somalia lagula eegtay baqonimadii maanta xaafadda Cali-Kamiin oo ka tirsan degmada Wardhiigley ee gobolka Banaadir.

Qaraxan oo ahaa miino dhulka lagu aasay ayaa la sheegay inay qaraxday markii gaarigii ay ciidanka dowladdu wateen uu gudbay, iyadoo dadka ku waxyeelloobay ay dhammaantood ahaayeen shacab.

Goobjooge ku sugan deegaanka ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in laba qof oo shacab ah ay qaraxaas ku dhinteenqarax-maxkamad-4, sadex qof oo kalena ay kasoo gaareen dhaawacyo kala duwan. Xaafadda uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda FS oo ka billaabay baaritaanno, inkastoo aysan jirin cid ay u soo qabteen qaraxan.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyaddiisa, sidoo kalena maamulka degmadaas weli kama uusan hadlin qaraxa ka dhacay Cali-Kamiin, iyadoo la sheegayo in jawiga xaafadda uu yahay mid kuwa duwan sidii hore.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!