Qarax khasaare isugu jiray dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay deegaanka Moqokori

by admin | Sunday, Jul 26, 2015

Maxaas : HN :–Wararka naga soo gaaraya deegaanka Moqokori ee degmada Maxaas gobolka Hiiraan, ayaa sheMuuqaalka guud ee dugsigaegaya in labo ruux ay ku geeriyoodeen tiro kalana ay ku dhaawacmeen qarax fiidnimadii xalay ka dhacay deegaanka.

Sidda uu inoo sheegay mid ka mid ah ehelada dadka ku dhintay qaraxa, lama garanayo sababta rasmiga ah ee qaraxu ka dhashay, hasse ahaatee waxaa jira warar soo baxaya oo sheegaya in dhalinyarradan ku qaraxday mid ka mid ah rasaasta qoriga 7-ka oo ay ku cayaarayeen.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Max’ed Macoow oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in dhacadadan ay aad uga xun yihiin, islamarkaana waddaan baaritaan la xiriira siddii rasmi ahaa loo ogaan lahaa waxa qarax sababay.

Deegaanka Moqokor waxaa dhawaan la wareegay ciidammada dowladda Soomaaliya kuwa howlgalka midowgga Africa AMISOM, kaddib muddo dheer oo ay halkaa gacanta ku hayeen xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!