Qarax lagu dillay Injineer la shaqeynayay shirkadaha Turkiga

by admin | Thursday, Nov 27, 2014

Muqdisho : HN :–Kaddib qarax loogu xirray gaariga ayaa maanta lagu dilay Injineer la shaqeynayay hay’addaha Turkiga degmada Shibis ee gobolka Banaadir.

Ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay dilkan, balse Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay inay mas’uul ka tahay dilal noocan oo kale ah oo lala beegsaday xubno dowladda ka tirsan, shaqaale haya’adeed iyo qaar ka mid ah suxufiyiinta ka howlgala Muqdisho.

“Wuxuu ahaa Injineer qandaraasle ah oo la shaqeynayay hay’adaha Turkiga ee ka howlgala Muqdisho. Ma garanayno sababta loo beegsaday, laakiinse waxaa socda baaritaanno,” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha booliiska Soomaaliya.

Sarkaalkan oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay inuu Injineerka la dilay dhawaan kasoo laabtay dalka dibaddiisa,qaraxa-caawa-2 isagoo xusay in uu la shaqeynayay shirkadaha Turkiga ee caawiya dowladda Soomaaliya.

“Gaarigiisa ayaa loogu xiray waxyaabaha qarxa, taasoo ku qaraxday isagoo socda, wuuna dhintay,” ayuu hadalkiisa ku daray sarkaalka booliiska Somalia ka tirsan ee la hadlay wakaaladaha wararka caalamiga ah.

Dilkaan ayaa kusoo beegmaya xilli Injineer u shaqeynayay dowladda hoose ee Xamar oo sannado ka hor kasoo laabtay dalka Mareykanka, kaasoo howl dib u dhis ah ka waday magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa iyaguna sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo inta badan xaafadaha ay ka kooban tahay Muqdisho laga maqlay, iyagoo intaas ku daray in gaariga oo dhan uu burburay, ruuxii watayna uu gaariyooday.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!