Qarax lagu soo xiray gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho

by wadani | Thursday, Dec 10, 2015

Muqdisho : HN :– Qarax lagu soo xirray gaari nooca Kaarib ah ayaa goor dhaw ka dhacay waddada laamiga ah ee Maka Al-Mukarama.

Dad ku sugnaa goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in aysan ogeyn qofka gaariga wattay ee lagu bartilmaameedsaday qaraxa.

qarax-wardhigleyQof gaariga la socday ama watay ayaa la sheegay in uu soo gaaray dhaawac culus, siddoo kalana waxaa qaraxaasi ku dhaawacmay qof wadda dhinaceeda marayay.

Lama oga ilaa hada qofka watay gaariga goor dhaw la qarxiyay waxaa uu ahaa, waxaana goobtaasi dhaawaca ka qaaday ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya oo usoo gurmaday halka uu qaraxu ka dhacay.

Ugu danbeyntii qaraxyada gaadiidka la isugu xiro ayaa kusoo kordhaya Magaalada Muqdisho, waxaana maanta oo kale todobaadkii hore qarax gaari loogu xiray lagu dilay Gabar Wariye ah oo ka shaqeeneysay Warbaahinta Dowlada Soomaaliya.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!