Qarax lagu weeraray xarunta Kafaala ee shirweynaha magaallada Cadaado

by admin | Thursday, Jun 18, 2015

Cadaado : HN :–Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee uu ka soconayo shirweynaha maamulada Cadaado ayaa sheegaya in subaxnimadii hore ee saakay weerar ismiidaamin ah lagu qaaday xarunta ay degan yihii ergada shirweynaha ee Kafaallo.

Weerarka ayaa sheegay in uu ku bilaawday qarax xoogan oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana kadib bilowday is rasaaseyn.

Wararka ayaa sheegaya in qof watay baabuur walxaha qarxa laga soo buuxiyay uu gaariga ku qarxiyay agagaarka Xarunta Kafaalo,qarax_undp_17 iyadoo saddex ruux kale oo hubeysan ay rasaas bilaabeen, waxaana la sheegay inay toogteen saddexdaas nin ciidamadii ilaalada ka ahaa xarunta.

Xarunta la weeraray ayaa waxaa degenaa ku dhowaad afar boqol oo ergo ah, oo matalayay beelaha Gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Wararka aanu ka heleyno Cadaado ayaa sheegaya in is rasaaseyn wali ka socoto xarunta, walina aanay kala cadeyn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

Qof ku sugan  Cadaado ayaa sheegaya in xarunta oo ay amnigeeda gacanta ku hayaan Ciidamada Itoobiya iyo ciidamada dowladda ay is rasaaseyn dhex martay dabley hubeysan oo qaraxa kadib soo weeraray xarunta.

Inkastoo xilli hore ay tahay, hadana waxaa magaalada Cadaado aad looga dareemay weerarkan xoogan oo ah kii u horeeyay noociisa oo magaalada ka dhaca tan iyo markii uu shirka maamul u sameynta gobollada dhexe uu bilowday

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!