Qarax lala beegsaday askar ka tirsan ciidamada dowladda oo ku sugnaa wadada dabka, Muqdisho

by admin | Monday, Mar 30, 2015

Muqdisho : HN :– Rag hubeysan ayaa lagu waramayaa in ay weerar Bambaano ku qaadeen askar ka tirsaneyd ciidammada dowladda wadada dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in weerarkaas uu ku dhaawacmay askari ka tirsan ciidammada dowladda.

Weerarkan oo ay geysteen kooxo aan la garanayn ayaa sababay in la xiro waddada dheer ee Maka Al-Mukarama muddo kooban; iyadoo ciidamaduna ay gacanta ku dhigeen tiro dad ah oo ay la xiriirinayaan weerarka bambaano.

“Ciidamadu waxay xireen inta u dhexeysa isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha, halkaasoo ay baaritaanno ka sameeyeen, xaaladduna welidabka waa mid cakiran,” ayuu yiri goob-jooge ku sugan isgoyska Dabka.

Sidoo kale, ganacsiga goobahaas ayaa xiran weli, iyadoo la sheegayo in ay soo buuxiyeen waddadaas ciidammo fara badan oo ka tisran kuwa booliiska Somalia, kuwaasoo qaybo ka mid ah halkaas baaritaanno kawada.

Jicmihii aynu soo dhaafnay ayeey aheyd markii ay Al-shabaab weerar qorsheysan ku qaadeen hotelka Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdish ooo ay ku dilleen dad ka badan 20 ruux.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!