Qarax loo maleynayo weerar cirkaa ayaa ka dhacay Diinsoor agteeda

by admin | Saturday, Jan 31, 2015

Muqdisho; HN; Wararka ka imaanaya magaalada Diinsoor ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay meel u dhexeeysa xuduudka Gobolka Bay iyo Shabeelada hoose tuulo ka taal.

Tuulada qaraxu ka dhacay ayaa lagu sheegay Dugule.

Dadka magaalada ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa diyaarad kadibna qaraxa. lama oga ilaa hada cid wax ku noqotay, waxaana goobtaa maamula ururka Al-shabaab.

Ma jirto wali wax war ah oo ka soo baxay ururka Al-shabaab ama dowlada.

Waxaan kaloon jirin cid sheegatay in weerarkan aay geeysatay.

Hiiraan Net

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!