Qarax miino oo askar ku dillay gobolka Sh/dhexe

by wadani | Saturday, Nov 26, 2016

Jowhar : HN :-Inta la og-yahay saddex askari ayaa ku dhimatay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii qarax miino oo ka dhacay saldhig ay ciidamada dowlada ku lahaayeen duleedka Waqooyi Bari ee magaalada Jowhar.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ahaa mid lagu aasay goob ay ciidamada dowlada gaar ahaan milatariga ay ku baaraan gaadiidka soo gala magaalada Jowhar.

Wararka ayaa sheegaya in saddex ka mid ah ciidamada ay isla goobta ku geeriyoodeen halka labo kalana ay ku dhaawacmeen.Lama oga cidda ka dambeysay qaraxan hase yeeshee ma jiro cid sheegatay inay ka dambeysay  qaraxan.

Ugu danbeyntii, saraakiisha ka tirsan ciidamada dowlada ayaa gaaray goobta uu qaraxu ka dhaccay hase yeeshee ma jiro wax war ah oo ay ciidamada amaba maamulka Hirshabeelle uu ka soo saaray qaraxan.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!