Qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose

by wadani | Tuesday, Oct 4, 2016

Kismaayo : HN :–Wararka laga helaayo magaalada Kismaayo ee xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegayo in caawa halkaasi laga maqlayo qaraxyo xoogan oo la sheegay in loo adeegsaday Bam-gacmeed.

Goob-joogayaal sheegay in qaar ka mid ah weerarada Bambaano ee caawa ka dhacay magaalada Kismaayo lala bartilmeedsaday saldhiyo ciidan iyo xarunta dowladda Hoose ee Maamulka Jubbaland.

Illaa iyo hadda lama ogo qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxyadaasi, waxaana haatan ciidamada ammaanka maamulka Jubbaland ay wadaan baaritaano ku aadan weerarada iyo cidii ka danbeysay.

Wixii warar ah ee ka soo kordha waan idin soo gudbin doonna….

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!