Qaraxyo is-miidaamin ah oo goor dhaw ka dhacay magaalada Muqdisho

by wadani | Monday, Jan 2, 2017

Muqdisho : HN :-Qaraxyo waaweyn ayaa lagu waramayaa in ay goor dhaw gilgliyeen nawaaxiga garoonka diyaaradaha iyo xarunta Xalane ee sida weyn loo ilaaliyo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxyadan ay ahaayeen kuwo ka dhashay baabuur waxyaalaha qarxa laga soo buuxiyay.  Dhawaqa qarax xoogan ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxyadan ayaa waxa ay wararka sheegayaan inay ahaayeen kuwo lala bartilmaameedsanayay Hotel Peace oo ku yaal meelku dhow xarunta Xalane.

Wixii war ah ee la xiriira qaraxyada waan idin soo gudbin doonnaa.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!