Qaraxyo ismiidaamin ah oo lagu weeraray Shariif Xassan Sheekh Aadan

by admin | Wednesday, Nov 11, 2015

Afgooye : HN :– Warar hor dhac ah ayaa ka soo baxaya Qaraxyo xoogan oo maanta lagu weeraray madaxweynaha maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Qaraxyada oo is xig xigay ayaa la sheegayaa inay ahaayen ismiidaamin iyo kuwo caadi ahaa waxa ayna ka dhaceen deegaanka Carbiska ee duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha hoose, halkaasi oo ka dhashay Khasaaro kala duwan.

Mid ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Shabeellaha hoose ayaa sheegay in qaraxyadaasi uu ka badbaaday madaxweynaha 16530koofur galbeed, islamarkaana uu yahay mid badqaba.

Maxamed Xuseen Shiino waxa uu sheegay in Qaraxa uu waxyeelo kasoo gaaray dad shacab ahaa oo xiligaasi ku sugnaa goobta Qaraxyada lagula eegtay Madaxweynaha.

Mid kamid ah weerarka ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya ilaa Shan ruux, sidoo kalane ay jiraan Ciidamo ku waxyeeloobay Qaraxyadaasi.

Qaraxa labaad ayaa lala damacsanaa xubnaha maamulka koofur galbeed laakiin aysan dhicin hadana ay bad qabaan dhamaan xubnaha maamulka ee uu horkacayay Shariif Xasan Sheikh Aadan.

Ma cadda guud ahaan khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxaasi ismiidaaminta ah iyadoona durba Ciidamadu ay xireen meesha ay wax ka dhaceen.
Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!