Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay caasimada dalka Mexico

by wadani | Wednesday, Dec 21, 2016

Mexico : HN :-Qaraxyo is xigxigay oo aad u badan ayaa waxay ka dheceen suuq ku yaalla duleedka caasimadda dalka Mexico.

Suuqa ayaa lagu iibiyaa rashka iyo baaruud.dowladda ayaa sheegtay in ugu yaraan 26 qof ay ku dhinteen.

Sidoo kale, tobannaan qof oo kale ayaa ku dhaawacantay qaraxyada, oo ahaa kuwo is xig xigay oo aad u culus.

Muuqaal la yaab leh oo si toos ah TV looga baahiyay ayaa muujinayay sida uu ku bilowday dab qabsaday qeyb ka mid ah suuqa.

Ka dibna meesha waxaa la arkayay qaraxyo si is xigxiga u dhacaya iyo holac iyo qiiq hawada isku shareeray.

Dadka ayaa ka kala cararay suuqa San Pablito cabsi aawadeed, kaddib markii ay maqleen qaraxyada.

Ugu danbeyntii, Dhacdooyiin tan la mid ah ayaa suuqan baabi’iyay sanadkihii 2005 iyo 2006-dii.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!