Qaraxyo weyn oo dad badani ku dhinteen oo ka dhacay dalka Chine

by admin | Thursday, Aug 13, 2015

Chine : HN :–Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ugu yaraan 44 ruux ku dhinteen labo qarax oo ka dhacay magaalada dekeda leh ee ku taala waqooyiga Shiinaha ee Tianjin.

Wararka ayaa intaa ku darraya in qaraxyadan ka dhaceen baqaaro lagu keydiyo kiimikooyin halis ah, waxaana la sheegayaa in dhimashada ay sare u sii kici karto.

In ka badna 500 oo ruux ayaa ku dhaawacantay qaraxan oo saameeyay guryo badan oo ka ag dhowaa, kuwaasoo ay daaqidihii iyodab-1 muraayadaha soo daateen.

Dadka dhintay waxaa ku jira 12 ruux ka tirsan kooxaha dab damiska, sida ay soo warisay wakaalada wararka Shiinaha ee Xinhua.

Boqolaal gaari ayaa ku bur buray qaraxyadan ku jiray baqaaro ay ku keydsanaayeen nuucyo waxyaabaha qarxa oo kiimikooyin ay u badnaayeen.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Shiinaha oo ku aadan qaraxyadan gil gilay magaalada Tianjin, waxaana socda gurmad xoogan oo dowladdu wado.

Hiiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!