Qaxootigii ugu badnaa oo maanta ka soo degay dekeda Boosaso

by admin | Sunday, Apr 26, 2015

Boosaaso ; HN; — Dooni siday in kabadan 1200 qof oo qaxooti ah oo ka soo qaxay dalka Yemen ayaa maanta ku soo xiratay dekedda magaalada Bossaso. Dadkan oo u badan Soomaali ayaa waxaa ku jira caruur haween iyo dad waayeel ah.

Inta badan dadkan ayaa waxaa ay ka soo qaxeen caasimada dalka Yemen ee Sanca iyagoo dadkan ay yihiin Soomaali hore uga qaxday dalkooda.

Duqa magaalada Boosaso Xasan Cabdalla Xasan oo qaxootigan ku soo dhaweeyey dekeda magaalada Boosaaso ayaa saxaafadda u sheegay in qoysaskan soo gaaray magaalada Boosaaso ay geynayaan xarumo loo diyaariyay inta ay dib ugu laabanayaan deegaanada ay ka soo jeedaan.

Sidoo kale C/laahi Xaashi “Qoobdeero” oo ah wasiir-ku-xigeenka arrimaha gudaha Puntland madaxna u ah guddiga maamulka Puntland uu u xilsaaray dib u dejinta qaxootiga Yemen ka soo qaxaya ayaa sheegay in qaxootigan ay u baahan yihiin in gacan loo fidiyo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!