Qaybta II.DAGAALKA KA SOCDA DALKEENNU MA AHA MID U DHEXEEYA SOOMAALI

by Yahye | Saturday, Dec 17, 2011

Waxaan qaybtii I, uga soo hadlay in Universal TV uu u kiraysan yahay koox uuna aragtida kooxdaa buun buuniyo taas oo ah arrin ka reebban war baahinta. Waxaan soo tusaalaystay dhacdooyin fara badan oo uu TV-gu ku tallaabsaday isaga oo xaqii war baahinta ula eexday kooxda dawladda sheegata intii kalena uu ku dulmiyey. Qaubtam Ii waxaan uga hadli doonaa xog warran Alle naga siiyey gaalada iyada oo aa nsoo qaadnayo aayado dhawr ah.

Wuxuu Alle aayaddan hoos ku xusan noo sheegay in aanay gaalada Yahuudd, Kiristaanka iyo kuwa Alle wax ku sidkaa jeclayn in ay dadka muslimiinta ah uu Alle wax khayr ah siiyo.

مَا يَوَدُّ الَّذِينَ كَفَرُوا مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ وَلَا الْمُشْرِكِينَ أَنْ يُنَزَّلَ عَلَيْكُمْ مِنْ خَيْرٍ مِنْ رَبِّكُمْ وَاللَّهُ يَخْتَصُّ بِرَحْمَتِهِ مَنْ يَشَاءُ وَاللَّهُ ذُو الْفَضْلِ الْعَظِيمِ(البقرة 105).
Marka ma dadka kaaga ba’aya in aad Alle xaggiisa ka heshid wax wanaag ah ayaa iyagu haddii ay kuu hayn lahaayeen ku siin lahaa. Allena wuu aayaddan kale noogu sheegay in haddii ay iyagu dadka wax u hayn lahaayeen aanay waxba ka siiyeen.
أَمْ لَهُمْ نَصِيبٌ مِنَ الْمُلْكِ فَإِذًا لَا يُؤْتُونَ النَّاسَ نَقِيرًا(النساء 53).

Sidaas darteed dadka ku haya gaaladu waa walaalahayo oo waxay nala jecel yihiin wanaag sow ma aha niman beeniyey aayadihii Alle. Hadda ka hor waxaan xasuustaa Shaydaankii weynaa ee la odhan jiray Muuse Suudi oo inta isaga oo aan weligiis meel Soomaaliya uga bixin tegey Itoobiya la soo kulmay Malese Sanawi markaas ayuu la yaabay hadal macaankiisa, markaas ayuu Muuse dhahay weligay ma filayn gaal i jecel wanaagna ila jecel iyo muslim i neceb wax khayr ahn ila doonayn.

Hadaladaas gaalnimada xambaarsan waxaan in badan ka maqlay dood wadaagga ka baxa Universal TV maalmaha Arbacada dad badan oo ka tirsan dawladda iyo kuwa badan oo adduunyo u dhuun daloola oo ah kuwii uu Alle dhahay waxay caabudaan oo u Ilaah ah hawadooda beenta ah.

أَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ أَفَأَنْتَ تَكُونُ عَلَيْهِ وَكِيلًا(الفرقاة 43). أَفَرَأَيْتَ مَنِ اتَّخَذَ إِلَهَهُ هَوَاهُ وَأَضَلَّهُ اللَّهُ عَلَى عِلْمٍ وَخَتَمَ عَلَى سَمْعِهِ وَقَلْبِهِ وَجَعَلَ عَلَى بَصَرِهِ غِشَاوَةً فَمَنْ يَهْدِيهِ مِنْ بَعْدِ اللَّهِ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ(الجاثنه 23).
Sida aad og tihiin walaalayaal wuxuu Alle na faray in aynu isku gacan siinno khayrka ee aynaan xumaanta iyo sharka isku gacan siin, laakiin sida Soomaalidu u badan tahay sharka ayay isugu hiiliyaan khayrkase isuguma hiiliyaan.

Waxaan doonayaa in aan idiin sheego sheeko gaaban oo anigu Alle hortiis aan marag ka ahay. Nin ka mid ah dawladda Shariif oo weliba ka mid dadka Shariif sida aadka ah ugu dhow ayaan arkay isaga oo TV Universal ka sheegay in ciidamada AMISOM wanaagsan yihiin naga siiyeen gacan in aan dadkii abaabraha ku soo tabaaloobay aannu gargaar gaarsiinno. Aniga iyo isaga ayaa maalin Jimce ku wada tukanay isku meel markaas ayaan ku dhahay waar miyaadan aqoon u lahayn diintaada in Alle noo sheegay gaaladu wax khayra ah idin lama jecla in aad ka heshaan cid kale iska dhaafe Alle. Ninkii isaga ahaa hadalkan ayuu ii sheegay ee bal ila arka.

Adiguba Cumaraw nabad ayaad ku nooshahay gaalo ka heshay, waxayna ku siiyeen guri, gaadhi iyo taleefoon qaali ahna waad wadataa ee maxaad sidaas u lee dahay,

Waxaan aniguna hadalkaas u fahmay in uu lee yahay sida aayaddu sheegtay ma aha ee waa been waayo intaas oo wanaag ahba gaalo ayaa kuu suurto gelisay ee maxaad uga abaalka daraysaa. Waxaan jeclaan lahaa in dadku ra’yigooda ka dhiibtaan. Mar kasta oo aan dhegaysto dadka dawladda Shariif ka midka ah ama u dhuunta daloola hadallo kaas oo kale ah ayaan kala kulmaa.
Ruuxii macnaha aayadahaas wax ka duwan ku socdaa wuxuu la mid yahay ruux diiddan in uu rumeeyo Alle hadalkiisa. Waxaan hubaa in aad madaxda ugu sar sarraysa dawladda Shariif ay maalin iyo habeenba ku hayaan walaalaho Itoobiya cadawgoodiina wuxuu noqday Soomaali. Sidaas darteed waa niman iimaankii ka dhaqmay oo gaalnimo uga dhow Islaamnimada. Soomaliduna waxay ku xun yihiin ruuxii tukadaaba waa u muslim, laakiin waxaa ka maqan in munaafaqiinta oo Alle noo sheegay i nay cadaabta meesha ugu hoosaysa la gelinayo oo ay ku waarayaan, ruux cadaab ku waarayna ma aha Islaam ee waa gaal haddiiba uusna ka sii xumayn. Walaalayaal muslinimada looma dhasho ee waa dhaqan, sidaas darteed ruuxii ka aradan dhaqankii Islaamku ma odhan karo muslim ayaan ahay.
Wuxuu Alle kale uu aayaddan soo socota nagu war gelinayaa in aynaan sinnaba kuwo idinka diin duwan oo in ay idin marin habaabiyaan aadna halaagsantaan doonay soo dhoweysanina…..
يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا لَا تَتَّخِذُوا بِطَانَةً مِنْ دُونِكُمْ لَا يَأْلُونَكُمْ خَبَالًا وَدُّوا مَا عَنِتُّمْ…… (آل عمران 118).

Marka ma Alle ayaynu rumaysanaa mase Shariifka iyo dadka adduunya doorka ah. Marka culumada ay la tahay in dagaalku ahayn xaq waxaa laga doonayaa aayad Quraanka ka mid ah ama xadiis rasuul oo sheegaysa in gaalo loo adeegsan karo si loo gumaado diintana looga fogeeyo dad Islaam ah. Marka su’aashu waxay tahay ma Soomaalida ayaa gaalada adeegsanaysa mase gaalada ayaa Soomaalida adeegsanaysa waxaan anigu u arkaa i nay gaaladu Soomaalida adeegsanayaan, sidaas darteed kooxda Shariif gaalada ayay danahooda fulinaysaa cid kasta oo qalbiga, afka iyo addinka ka taageersanina waa la mid. Waxa ay doonayaan Allaha aan laga xog ogaalsanayn ayaa noo sheegay waana in ay na gaaleeyaan oo aannu iyaga la mid noqonno sida aayadda hoose sheegayso.

وَدُّوا لَوْ تَكْفُرُونَ كَمَا كَفَرُوا فَتَكُونُونَ سَوَاءً فَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ أَوْلِيَاءَ حَتَّى يُهَاجِرُوا فِي سَبِيلِ اللَّهِ فَإِنْ تَوَلَّوْا فَخُذُوهُمْ وَاقْتُلُوهُمْ حَيْثُ وَجَدْتُمُوهُمْ وَلَا تَتَّخِذُوا مِنْهُمْ وَلِيًّا وَلَا نَصِيرًا(النساء 89).
Waad aragtaan maanta in dadkii muslimiinta ahaa ay diintii ka cararayaan iyaga oo ka cabsnaya gaalada xoogga badan ee loo wada baahan yahay. Waad aragteen maamulada gaal u yaalka ah ee markii ay arkaan gaal cadna futada u kala qabanaya markii uu shiikh Soomaali ahi gobolkooda tagana xabiska kula kala cararaya.

Maalin walba waxay gaaladu u soo dhiibaan kuwa u adeegaya hadal lagu sirmayo oo doqoni ma gartay ah. Matal waxaa la dhahay Shabaabtu diin ma wadaan ee xukun doon weeye aniguna sidaas ayaan wax u arkaa, dawladina ma jirto, hase yeeshee waa laba daran mid dooro. Marka Shareecadii Alle waxaa laga doortay gaalada aynu aragnay iyaga oo kitaabkii xaarka isaga tiraya.
Walaalayaal miyeydaan u jeedin in ciidamo gaalo ah mooyee aan dad islaam ah ciidan loo doonanayn. Jabuuti adduunyo ayay qaadatay Allena way ka tagtay ciidamada ay u soo dirtay Soomaaliyana gaalo ayay ku raalli gelinaysaa. Aayad kale ayaa lahayd haddii aad adigu ifka ugu dooddo yaa aakhiro u doodi doona, sidaas oo kale haddii ay Jabuuti raallinta gaalada ay ciidan muslim ah u soo dirtay in ay layaan dad Islaam ah, ayay aakhiro raalli gelin doonaan.

وَلَقَدْ ذَرَأْنَا لِجَهَنَّمَ كَثِيرًا مِنَ الْجِنِّ وَالْإِنْسِ لَهُمْ قُلُوبٌ لَا يَفْقَهُونَ بِهَا وَلَهُمْ أَعْيُنٌ لَا يُبْصِرُونَ بِهَا وَلَهُمْ ءَاذَانٌ لَا يَسْمَعُونَ بِهَا أُولَئِكَ كَالْأَنْعَامِ بَلْ هُمْ أَضَلُّ أُولَئِكَ هُمُ الْغَافِلُونَ(الأعراف 179).
Sida aayaddan kor ku xusan ka muuqata macnaheeda waxay gaaladu doonayaan in aad sidooda oo kale u gaalawdaan oo aad iyaga la mid noqotaan. Ruux aadami ahna wax ka xun oo lagu samayn lahaa ma jirto in uu gaaloobo.

Wuxuu kale oo Alle aayaddan noogu sheegayaa in ay gaaladu weligood kaa raalli noqonayn in aad diintooda la gashoo oo aad gaalawdo mooyee.

وَلَنْ تَرْضَى عَنْكَ الْيَهُودُ وَلَا النَّصَارَى حَتَّى تَتَّبِعَ مِلَّتَهُمْ قُلْ إِنَّ هُدَى اللَّهِ هُوَ الْهُدَى وَلَئِنِ اتَّبَعْتَ أَهْوَاءَهُمْ بَعْدَ الَّذِي جَاءَكَ مِنَ الْعِلْمِ مَا لَكَ مِنَ اللَّهِ مِنْ وَلِيٍّ وَلَا نَصِيرٍ(البقرة 120).
Haddaba intaas oo aayadood iyo in kale oo aan la tirin karin ayuu Alle noogu sheegayaa xumaanta gaalada. Siayaasaddana waxaa la dhahaa saaxiibkaaga maanta waa cadawgaaga berri ee saaxaabkaa ha isu wada dhiibin. Kuwa ka tirsan dawladda Shariif waxay u eg yihiin in aanay Itoobiya weligood dambe dagaalayn taasina waa caaqnimo.

cid kasta culumo iyo caamaba oo gaalada iyo munaafaqiinta uga hiiliya af iyo addinba waa gaal. Waxay ku gaaloobeen jebinta ama beenaynta aayadahaas aan kor ku soo qaatay iyo kuwa kale ee Quraanka oo dhan.

Waxaad sugaanba waa qaybtii saddexaad oo aan uga hadli doono aayadaha Quraanka ee sida cad u sheegaya in ruuxii gaalo u adeegsada dad Islaam ah uu yahay gaal.  Maqaalka oo dhammays tiran ka dheeho www.omersuleiman.co.uk

G/le Sare Omer Suleiman Ali.​​​​​​​12/12/11

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!