Qeybdiid” deegaannadii aan maamulayay waxaan ku wareejinayaa madaxweynaha cusub

by admin | Wednesday, Jul 8, 2015

Cadaado : HN :– Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug Cabdi Xassan Cawaale Qeybdiid,ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ku wareejiyo deegaannadii uu maamulayay ee labada gobol Galguduud iyo Mudug, madaxweynaha cusub ee dhawaan la doortay C/kariin Xusseen Guulleed.

Qeybdiid ayaa sheegay in maamulkii uu madaxda ka ahaa uu ka talinayay meelo badan oo Gobolka Mudug ka tirsan, uuna jecel yahayQeyb inuu maamulka cusub ku wareejiyo, si howlihii ka socday ay halkaas uga sii wadaan.

Sidoo kale, Qaybdiid ayaa intaas ku daray inuu ku qanacsan yahay doorashadii looga guuleystay bishan afarteedii, isagoo xusay inuu ka shaqeyn doono danaha shacabka Gobollada Dhexe ku nool, uuna kusii jirayo siyaasadda.

Madaxweynaha la doortay ee Galmukdug, C/kariin Xuseen Guuleed oo isna hadlay ayaa sheegey in Musharixiintii uu doorashada kaga guuleystay uu kusoo dari doono Golahiisa Wasiiradda, balse ma uusan sheegin faahfaahin intaas ka badan.

Ugu danbeyntii Cabdi Xassan Cawaalle Qeybdiid ayaa  01-dii bishii Ogoosto 2012-kii noqday madaxweynihii maamulka Galmudug,, wuxuuna xilkani hayay muddo saddex sano ah, isagoo ku Guuleystay in Gobollada dhexe uu u matalo shirar badan oo looga tashanayay aayaha Soomaaliya iyo kuwa caalami ah oo lacago loogu yaboohayay.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!