Qeybdiid oo Cadaado tagay si uu uga qeybgalo shirka maamul u sameynta gobolada dhexe

by Yahye | Monday, Dec 22, 2014

Cadaado: HN:- Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa saaka gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, si uu uga qeyb-qaato qabanqaabada shirka la doonayo in maamul goboleed loogu sameeyo gobollada Mudug iyo Galgaduud.

Cabdi Cawaale Qeybdiid waxaa socdaalkiisa ku wehliya xubno ka tirsan labada gole ee maamulkiisa, waxgarad iyo siyaasiyiin.

Qeybdiid ayaa lagu wadaa in muddo uu joogi doono halkaa isagoona booqan doono degmooyinka kale ee gobolka sida Ballanbal, Caabudwaaq iyo Dhuusamarreeb.

Safarkiisa oo ah mid dhulka ah ayaa la sheegay inuu qaadan doono muddo shan maalin ah.

Qeybdiid ayaa ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxtinnimo ee maamulka Gobollada Dhexe laga dhisi rabo.

Hiiraan Net

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!