Qilaaf ka Ra’isul Wasaaraha iyo Madaxweynaha waxaa uu gil gili doonaa Baarlamaanka. WQ: Ayaanle

by Yahye | Friday, Nov 15, 2013

London- Waxaa dad badan oo Soomaaliyeed ay aaminsanaayeen in Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya oo ah dowlad rasmi ah ay aad uga duwanaan doonto, maamuladdii ku meel gaar-ka ahaa ee dalka soo maray oo qibrad ahaan laga bartay qilaaf iyo is qabqabsi madaxda sarre oo ku dhamaada faragellin shisheeye iyo fool xummo.

Dowlada federaalka ah sida muuqata waxaa soo wajahay qilaafkaa oo kale, taasoo uu qiray Ra’isul Wasaaraha Saacid kaddib markuu qabtay warsaxafadeed hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa “waxaan ku wargalinayaa ummadda Soomaliyeed in uu dhab yahay is-maandhaafka la maqlay oo ka dhaxeeya aniga iyo Madaxweynaha. Is-maandhaafkaas ma’ahan mid siyaasi ah ee waa mid Dastuuri ah, xalkiisuna waa fahamka iyo ku dhaqanka Dastuurka Qaranka”. Dhinaca kale in badan oo dadweynaha Soomaaliyeed ka mid ah ayaa horay u saadaaliyay in madaxda Dowladdu is qilaafi doonaan goor ay ahaataba;

Sideedaba mas’uliyiin wada shaqeeynaya oo xil ka saran yahay dal iyo umad ay mas’uuliyad u qaadeen waa la filan karaa in ay isku dhacaan, hase ahaatee waxaa wanaagsan in lagu kala baxo oo la dabaqo Dastuurka iyo qaanuunka u degsan dalka, horayna loo socdo, ee aan la hakin horusocodka iyo ka wada shaqeynka hawlaha dowliga ah.

Sida aan la socono Madaxtooyada , xafiiska Ra’isul wasaaraha, iyo Baarlamankuba sannadki la soo dhaafay waxaa lagu xamanayay inay isku milmeen, waxa isku milankaas keenaya ma’ahan danta Qaranka oo la eegayeey ee waa is faham dhexmaray mas’uuliyiinta sare oo isku tanaasuleeysay, dabcan qofna kama qarsooneyn cidda inta badan u muuqatay inay lahayd dulqaadka lagu wada socday.

Arragtida dad badan ay qabaan hadaan tilmaamo, dalka waxaa qaab Madaxweyne u dhaqmayay Ra’isul Wasaare Saacid, oo u ekaa nin dusha sarre ka eegaya waxa ka socda, halka Madaxweyne Xasan Shiikh-na uu u dhaqmayay sidi Ra’sul Wasaaraha dalka, waxaa uu Madaxweynuhu qabanayay dhammaan shaqadii xafiiska Ra’isul Wasaaraha dhinac walba haddii laga eego, sida ay qabaan qaar ka mid ah saraakiisha Dowlada.

Waxaa hubaal ah in dhammaan ficiladaasi aanay waafaqsaneyn markaan eegno sida ku xusan Dastuurka ku meel gaarka ah qodobka 99aad ee ka hadlaaya xilalka Golaha Wasiirada, waxaana ka mid ah dejinta siyaasada guud ee Xukuumada iyo dhaqangelinteeda, oggolaanshaha iyo fulinta xeerarka maamulka, soo jeedinta, magacaabista iyo xil ka qaadida saraakiisha sare ee Dowlada danjirayaasha qunsuliyadda guud iyo dibolomaasiyiinta; kuwaan oo u badnaa awoodaha sida wax ku oolka ah ay madaxtooyada ugala wareegtay guud ahaan Golaha Wasiirada ama gaar ahaan Ra’isul Wasaaraha.

Ra’isul Wasaaraha, sida ay ii sheegeen rag ku dhow, waligiiba kuma qanacsaneyn awooda uu maroorsaday Madaxweynaha ee waxaa uu ka cararayay inuu sabab u noqdo qilaaf siyaasadeed oo uu dalku galo inta laga gaarayo dhismaha heykal dowladeed oo dhammeystiran.

Ma cadda halka is-maandhaafku kabilowday iyo waxa ay isku qoomeen labada mas’uul, laakin waxaa dad badan ay dhagaha taageen markii ciidii dhaweyd uu Madaxweynuhu sheegay in isbadal uu dhici doono, oo uu waliba ku daray inuu noqon doono mid qaraar loona baahan yahay in dulqaad loo lahaado.

Dabcan fasiraad uma baahnayn hadalkaa oo dad badan waxay u qaateen in Madaxweynuhu doonayay inuu kala diro Xukuumada soona magacaabo Ra’isul Wasaare cusub, kaasi oo aan la oggeyn waxa uu Madaxweynuhu ku xulanayo.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in ilaa 2016 uu yahay waqti howleedka uu sharciyan Baarlamaanku siiyay, sidaa darteed inta waqtigaas ka hartayna uu shaqada sii wadanayo, soona dhisi doono Golle Xukuumadeed oo ka badan midka hadda jira.

Haddaba waxaa isweeydiin mudan ayaa awood u leh inuu xilka ka qaado Ra’isul Wasaaraha?

Si aan uga jawaabno su’aashaas waa inaan dib ugu laabanaa qodobadda Dastuurka ee kala soocaya awoodaha hay’adaha Dowliga ah.

Qodobka 69-aad ee ka hadlaya Awoodaha golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka, farqadiisa 2-aad, xarafka C waxaa uu tilmaamayaa “ in uu codka aqlabiyada tirada guud ee golaha shacabka 50%+1 oo gacan taag ah kalsoonida Golaha Shacabka ugala noqdo Ra’isul Wasaaraha iyo ku xigeenadiisa.

Marka sidaa la leeyahay waxaa loola jeedaa in tirro inta la xusay ka yar aysan kalsoonida kala noqon karin Ra’isul Wasaaraha, oo loo baahan yahay ugu yaraan inta Baarlamaanku ka kooban yahay guud ahaantiisa oo ah 275 barkeed oo lagu daray hal xubin, tiradaas oo noqoneysa ( 138+1= 139) 139 xildhibaan, ileyn bar qof ma noqdee.

Waxaa kale oo jiraqodobka 90-aad oo ka hadlaaya xilka iyo awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya; Xarafka D waxaa uu leeyahay Madaxweynuhu “ Wuxuu magacaabayaa xilka Wasiirka Kowaad, wuxuuna xilka ka qaadayaa ama kala dirayaa Xukuumada Federaalka ah, haddii ay weydo codka kalsoonida Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka, oo ah cod haldheeri ah 50%+1 ee tirada guud ee xubnaha Golaha Shacabka”.

Waxaa muuqata in dhammaan qodobadaasi Dastuurka ay daliil u yihiin in Madaxweynahu uusan xilka ka qaadi karin Wasiirka Kowaad ama Ra’isul Wasaaraha haddii aan Golaha Shacabku kalsoonida kala noqon; Islamarkaana uusan u soo jeedin karin inay kalsoonida kala noqdaan. Awooda kalsooni kala noqoshada Ra’isul Wasaaraha waxaa loo gaar yeelay Golaha Shacabka oo kaliya.

Dad u dhuun daloola siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in Ra’isul Wasaare Saacid uu dhexda u galay subac-meer ay isku hoorinayaan xer iyo macallinkood, kuwaas oo siyaasad ahaan doonaya in ay ahaadaan koox yar oo dalkan waligood u taliya.

Waxaa laga yaaba in aad isweeydiiso waxa ay ugu tilmaameen xer urrurka “damul jadiid”, waa sida ay hadalka u dhigeene, bal adiguba isweydiiye, ma waxaan kaaga muuqan meesha wadaad iyo xertiis?

Sida ay qabaan dadkaasi ama ay ula muuqato siyaasiyiin badan, Golaha Wasiiradda waxaa inta badan ay ka mid yihiin xertaas, ciddii aan ahayna waxay meesha ku joogtaa oggolaashaha ama ka raali ahaanshaha geed fadhiga xerta, oo ay kamid yihiin Wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isu haysta in ay ka awood badan yihiin Ra’isul Wasaraha, waxayna ka haystaan oggolasho Madaxweynaha Xasan Sheekh.

( green light ). Taasina waxay Ra’isul Wasaaraha dhaxalsiisay in la go’doomiyo oo uu ahaado qof aan la tabin hadduu joogo ama maqanyahay, howshuna sidii loo baahnaa ay u socoto

“ Waa xer ama koox leh qorshe siyaasadeed fog, lehna rag geed fadhi u ah oo talada gooya, waxay gaaraana waa ku qasban yahay Madaxweyne Xasan Sheekh inuu fuliyo “ sidaasi waxaa yiri siyaasi Soomaaliyeed oo aan ii ogolaan inaan magaciisa xigto.

Arrinka siyaasigaasi sheegayo haday dhab tahay waxaa iska cad in talada dalka ay gacanta ugu jirto cid aan ahayn dadki loo idmaday. Sheekaduna waxba kama duwana wixi ay faleen ikhwaanki masar, oo gaaray heer shacbiga masar ay kala garran waayeen in dalku Madaxweyne ka yahay Maxamed Mursi iyo in hogaamiyaha Ikhwaanka Maxamed Badie uu talada dalka gooyo; Jawaabtii shacabigga masar-na waa la ogaa sida ay u diideen fakerkii ikhwaanka.

Dadweynaha Soomaaliyeed waxaa ay doorteen xildhibaano beelo ku yimid oo ah Golaha Shacabka dalka. Baarlamaankuna waxaa uu doortay Madaxweynaha dalka, laakin ma’oggin cid ka sareeysa Madaxweynaha oo uu dalku leeyahay, haddii ay arintaa cadaatana koley waa qiyaano-qaran.

Siyaasi aanan dooneyn in magaciisa la shaaciyo ayaan ka soo xigtay in khilaafka hadda jira ee uu Ra’isul Wasaaruhu qirtay uu ku saabsan yahay, kaddib marka uu Madaxweynuhu ka biyo diiday magacyadii Wasiiro dhan 23 ee uu u soo jeediyay Ra’isul Wasaaraha, kuna celiyay labo jeer, sababtuna ay ahayd magacyada Wasiirada aan kor ku soo xusay oo kala ah Wasiiro Dowlaha Madaxtooyada Faarax C/qaadir iyo Wasiirka Arimaha Guddaha iyo Amniga Cabdikariin Xuseen Guuleed oo aan ku jirin liiska Wasiiradaas, ayuu Madaxweynuhu ka codsaday Ra’isul Wasaaraha in uu iscasilo, Ra’isul Wasaare Saacidna wuxuu yiri “ Isma casilaayo, waxaana gudanayaa xilkii aan Qaranka u haayay ee aan u dhaartay waayo Madaxweynuhu iima caddeyn mana ii sheegin, sabab macquul ah oo igu qaadi karta inaan iscasilo “. Sidaan kor ku soo sharxayna xilka soo jeedinta wasiirada waxa uu Dastuurku siiyay Ra’sul Wasaraha, waana arrintaas waxa uu Ra’isul Wasaare Saacid uu u leeyahay waa arrin Dastuuri ah khilaafka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweynaha, madaama aanay jirin Maxkamad Dastuur-na uu Baarlamaanku yahay kan kaliya oo arrinkaas xal u heli kara ama xilka ka qaadi kara oo kalsoonida kala noqon kara sidaan kor ku soo xusay, haddi kalena Saacid waa Ra’isul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliyeed cid kale xilka kama qaadi karto.

Baarlamaanka ayaa laga yaaba in qilaafka labada mas’uul saameeyo ama gilgilo oo ay gaarto heer aan xildhibaanadu dib u eegin Dastuurka balse qof waliba uu cabiro fakerkiisa gaarka ah oo caadifadeysan si xildhibaan walba u hubiyo in kooxdiisa ay guuleysato.Taasina waxay keeni doontaa in Dastuurka dhexyaala Baarlamaanka aan cidina dib ugu laaban ee uu dalku noqdo sidii qoraa hore yiri “ waxay kuudhigeen ma kugu dhaqeen”.

Xalka murankani ma dhib badna, waa haddii si wanaag ku jiro lagu dhameeynayo, waxa leysku hayo koley waa danta Qaranka; Xildhibaan kastana marka uu xilkiisa gudanaayo waa in uu ku shaqeeya sida danta Qaranka ku jirto sida ku xusan qodobka61aad ee ka hadlaaya xilka xubnaha Baarlamaanka Federaalka. Haddii uu arrinku sidaasi yahay oo aan wax kale qarsooneyn waxaa muhim ah in iyada oo aan cidna lagu qancineynin qolana loogu darnaaneynin dib loogu laabto Dastuurka Federaalka ku meel gaarka ah oo lagu kala baxo.

Golaha Baarlamaanka waxaa saaran xilweyn oo Alle iyo dadweyneynuhuba kula xisaabtami doonaan, waxaan ka codsanayaa in ay sharciga u maraan xallinta qilaafaadka taagan. Waxaa ceeb iyo fadeexaba noqon doonta haddii Baarlamaanku xal u heliwaayo qilaafka oo ay gaarto heer beesha caalamku soo faragelliso.

Dadweynaha Soomaaliyeed ayaa kuu soo haray, waxaan ku dardaarmayaa inaysan mar kale u durbaan tumin waxaanay garaneyn, cidna aynaan ugu hiilin caadifad-qabyaaladeed iyo nin jecleysi, ee aan caqli xor ah oo miyir qaba adeegsano. Xaqana aan sheegno haduu doono dacarba ha ka qaraaraadee.

OLYMPUS DIGITAL CAMERAWaxaa qoray: Ayaanle Xuseen Cabdi.

Soo saaraha barnaamijyada madasha wararka iyo aragtida

www.ayaanle.org

Email: ayaanle@live.co.uk

London,United Kingdom

Waxaa dib u eegay: Dr.C/Karin Maxamed Somali

Agaasimaha madashada Wararka iyo aragtida

www.ayaanle.org

Email:bunka306@gmail.com

London,United kingdom

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!