Qiso cajiib ah, gabar aqrinta quraanka ku cod wanaagsaneyd oo geeriyootay

by Yahye | Tuesday, Feb 4, 2014

Qisadani waxay ku dhacdey gabar dhigan jirtey kulliyada shareecada ee jaamacad ku taalla mid ka mid ah dawladaha Khaliijka, gabadhani waxay lahayd cod aad u qurux badan isla markaana waxay akhrin jirtey habeen kasta qur’aanka kariimka.

Hooyadeed habeen kasta marka ay sii seexaneyso waxay is taagi jirtey albaabka qolka hortiisa waxayna dhageysan jirtey oo maqli jirtey codka wanaagsan ee gabartu ku akhrineyso qur’aanka, sidaas ayuu xaalku ahaa muddo dheer ilaa ay maalin maalmaha ka mid ah ay xanuunsatey gabartii.

Qoyskii ay ka dhalatey ayaa ula cararey isbitaalka, maalmo ayey ku jirtey dhakhtarka ilaa halkaas rabi ku oofsadey, qoyskeedii wey argagexeen markaa maamulka isbitalka uu ku wargaliyey geerida gabartoodii.

Laakiin warka geerida gabartu waxaa uu aad ugu cuslaa hooyadeed oo aad uga murugootey, maalintii koobaad ee geerideedu waxay ku ahayd hooyada sannad oo kale aad ayeyna u murugeysneyd, markii ay ka tageen dadkii u tacsiyadeynayey ayaa hooyadeed waxa ay u kacdey 1dii habeennimo ee saq barkii dhanka qolkii gabartu daganeyd, laakiin markii ay soo gaartay albaabka ayey maqashey codad badan oo aad moodid dad wada ooyaya, hooyadii ayaa naxdey markaas ayey ka joogtey iney gasho qolka.

Subaxnimadii ayey ku wargalisey qoyskeedii wixii ay xalay maqashey, aroortii ayaa qoyskii gabartu galeen qolkeedii laakiin waxba kumey arag, habeenkii labaad ayey hooyadii isla wakhtii aadey qolkii gabarta waxayna maqashey oohintii oo kale.

Markaas ayey ku war galisey aabihii gabarta laakiin waxa uu ku yiri waxaa laga yaabaa inaad is mood siisey ee barri ayaan hubsaneynaa, subaxdiina waxba kumey arag qolka, hooyadu waxay ku kalsooneyd iney maqleysey oohintaa, waxay arrinta u sheegtey saaxiibteed, waxaa saaxiibteed ay ku dhiirri galisey iney u sheegto nin sheekh ah.

Wuu la yaabey sheekhii dhacdada, sheekhii waxa uu codsadey inuu yimaado guriga wakhtiga ay hooyadu oohinta maqasho oo ah wakhtigii gabartu ay qur’aanka akhrin jirtey.

Markii uu yimid sheekhu gurigii oo loo sheegey gabartu waxay sameyn jirtey ee qur’aan akhriska ahaa mise waa isla codkii oohinta sheekhii ayaa isna maqley oohintii, sheekhii ayaa ooyey, markaas baa lagu yiri: Sheekh maxaa kaa oohiyey.

Wuxuu sheekhii yiri: “Allaahu akbar, malaaigtu habeen kasta marka ay gabartu qur’aanka akhrineyso wey soo dagi jireen oo weey dhageysan jireen, laakiin hada waa ay waayeen codkii gabarta iyo qur’aankii ay akhrin jirtey”.

Taas waxay ku tuseysaa sida qofka alle ku xiran ay geeridiisa ugu murugoonayaan wax kasta xitaa malaa’igta.

https://www.facebook.com/Tariikhda.saxabada

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah