QIYAAMUHU WAA QADDERKA OO JOOGSADA. WQ. G/LE SARE OMER SULEIMAN ALI

by admin | Wednesday, Apr 25, 2012

Wlalaalayaal maanta waxaan ka hadlayaa qiyaamaha; dadku waxay la tahay in ay garanayaan waxa qiyaamuhu yahay laakiin tilmaan mooyee caqligoodu ma qiyaasi karayo. Waxaan isku deyayaa in aan si maangal ah uga hadlo waxa uu qiyaamuhu yahay. Dabcan waxaan ku soo hal qabsanayaa aayado Quraan. Wuxuu rasuulku scw dhahay ninkii doonaya in uu fahmo qiyaamaha ha akhristo suuradaha At-Takwiir iyo Infidtaar, waayo iyaga ayaa si cad uga hadlaya waxyaabaha qiyaamaha dhici doono. Aayado kale oo meelo kala duwan Quraanka uga jirana waan soo qaadan doonaa insha Allaah.

Haddii aan ku bilaabo suuradda At-Takwiir macnaha ereyga KAWIRA waa cimaamadaysiga marka إِذَا الشَّمْسُ كُوِّرَتْ(1) wuxuu noqonayaa macnaheedu <<markii qorraxda loo cimaamado>>  halkaas waxaa ka muuqata in qorraxda wax cimaamad oo kale ah korka looga duubayo oo lagu qarinayo. Sidaas darteed hal mar ma damayso ee tartiib tartiib ayay u sii gamaaraysaa waayo cimaamaddu madaxa tartiib tartiib ayay u qarisaa.

Aayadda 2aad وَإِذَا النُّجُومُ انْكَدَرَتْ(2) iyadana wuxuu macnaheedu noqonayaa <<markii ay xiddiguhu daataan>>, xiddigta xidigaha ugu yari 1 milyan oo jeer ayay ka weyn tahay dhulka, sidaas darteed xiddiguhu waxay ku daadanayaan meel Alle og yahay. Culumada qaarkood ayaa dhaha xiddiguhu dhulka ayay ku soo dhacayaan waa dhici kartaa laakiin waxaa ku macquulsan in meel Alle og yahay ay ku dhici doonaan waayo tiro laguma soo koobi karo midda ugu yarina sida aan sheegay ! malyan oo jeer ayay dhulka ka weyn tahay.

Aayadda 3aad  وَإِذَا الْجِبَالُ سُيِّرَتْ(3) wuxuu macnaheedu yahay <<Buuruhuna dhaqaaqaan>>, taasina waa arrin ka dhacaysa dhulka oo buurihii ayaa meeshii ay ku fadhiyeen ka dhaqaaqaya oo bannaynaya. Buurtu ma aha buuraha aynu naqaan oo keliya laakiin buur ama جبل wuxuu afka Carabiga lagu sheegi karaa buurta, dhagaxa iyo meel kasta oo taag ah dhulka waxba ha ahaatee ka sarraysa. Jarka gogaggu waa buur sidaas darteed dhulku waa sinmayaa. Aayado kalena waxay lee yihiin waxay buuruhu noqonayaan dhalanteedka oo kale, kuwana waxay lee yihiin waxay kuu marayaan sida ay daruuruhu kuu maraan oo kal.

Aayadda 4aad وَإِذَا الْعِشَارُ عُطِّلَتْ(4) wuxu macnaheedu noqonayaa << tii rimanayd ee sidkeedii go’ay oo uu galay todanka biloodna ay dhali weyso>> nafleyda 10 bilood ka badan uu sidkoodu gaadho waxaan ka aqaan geela. Haddii hashii dhali weydo oo Ilmihii dhalan rabay meesha ka baxo waa arrin mucjiso ah nooc cilmiyada adduunka ah oo lagu garan kaaraan ma jrio.

Aayadda 5aad  وَإِذَا الْوُحُوشُ حُشِرَتْ(5) bahaayinkuna hal meel isugu wada yimaaddo, waxaa ka muuqata in bahalihii xoolaha cuni jiray aanay maalinkaas cunayn ayna labadii is cuni jirtay hal meel isugu wada imanayaan. Bahalkii adhiga, lo’da iyo geela cuni jiray iyaga oo dhex joogo uma arko in ay yihiin wax la cuno ama cunnoba ma jirto.

Aayadda 6aad  وَإِذَا الْبِحَارُ سُجِّرَتْ(6) ereyga سُجِّرَتْ ayaa laba siyood loo kala maneeyaa midi waa fatahaadda midka kalena waa dab ka kaca. Biyo in dab ka kaco wax la arkay oo la maqlay ma aha, isla mar ahaantaasna in ay biyuhu dhulka taagga ah kor ugu soo baxaan wax la maqlay iyo wax la arkay toona ma aha. In la dhaho biyihii ayaa dab noqonaya waa in ay biyuhu u kala baxaan Oxygene iyo Hydrogene oo ah labada maaddo ee midna shidanto midna dabku in uu shidnaado caawisa. Haddii macaha laga dhigay in biyuhu soo fatahayaan macnaheedu waa xoogga jiidashada abuurka oo meesha ka baxaya markaas oo keliya ayay biyuhu godkii ay ku jireen kor u soo tafi karaan. Arrinkaasna cilmi maanta ka jira adduunka oo lagu macnayn karaa ma jiro.

Ilaa aayadda 13aad waxaa Alle noogu sheegayaa waxaabaha dhacay maalinka xissaabka qiyaame. Sidoo kalena suuradda Al-Infidtaar ereyga انْفَطَرَتْ macnihiisu waa kala dildillaacaya marka cirku wuu kala dildillaacayaa, ereyga انْتَثَرَتْ na waa kala firidhka taas oo caddaynaysa in meerayaashu kala firdhayaan, ogowey dhulku waa meere eh. Sidoo kale ereyga فُجِّرَتْ macnihiisu waa biyaha badaha oo isku furmaya isna wada qabsanaya. Suuraddan intaas ayaan ku dhaafayaa. Marka in cirku kala dildillaaco waa arrin aad u weyn cilmi maanta adduunka jira oo lagu macnayn karaana jirin.

Haddaba haddii loo fiirsado macnaha aayadaha ugu horreeya ee labada suuradood waxaa ka muuqata isbeddel aan wax lagu macneeyo lahayn uu abuurka ku dhacayo maalinkaas. Sidaas darteed cilmiga maanta adduunka jiraa maalinka qiyaame ma jirayo.

Wuxuu Alle aayad kale noogu sheegay maalinka dhulka laga dhigay wax aan dhul ahayn cirkana sidoo kale, lana wada hor tuban yahay kan keliya ee loo wada sandullaysan yahay.

يَوْمَ تُبَدَّلُ الْأَرْضُ غَيْرَ الْأَرْضِ وَالسَّمَوَاتُ وَبَرَزُوا لِلَّهِ الْوَاحِدِ الْقَهَّارِ(48).

Markii aan soo qaato aayaddan dambe waxaa muuqata in uu qiyaamuhu yahay qadderka oo joogsada.

 

Ku sug qaybta 2aad.

G/LE SARE OMER SULEIMAN ALI                                                                                                                                          28/03/12  

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!