QM oo cambaareysay weerarkii shalay lagu qaaday xarunta maamulka K/galbeed ee Baydhabo

by admin | Friday, Mar 13, 2015

Muqdisho : HN :–Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, danjire Nicholas Kay ayaa cambaareeyay weerarkii shalay lala beegsaday xarunta madaxtooyada maamulka KMG ah ee Koonfur-galbeed Somalia ee Baydhabo.

Danjire Kay ayaa sheegay in weerarrada noocan oo kale aysan hakad-galin doonin taageerada ay Qaramada Midoobay siiyo maamulka Koonfur-galbeed iyo guud ahaanba kuwa kale ee ka jira Somalia.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu xusay in beesha caalamku ay qayb ka qaadanayso dhismaha iyo tayeynta ciidamada Somalia, isagoo tacsi uNick_Kay_UN_Envoy_for_Somalia diray ehelladii dadkii ku geeriyooday weerarradaas.

Weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab ayaa waxaa ku dhintay inta la ogyahay 10-qof oo isugu jira ciidamada dowladda, kuwa ka socda dalka Itoobiya ee AMISOM, xoogaggii Al-shabaab iyo dad shacab ah.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa noqonaya kii ugu xoogganaa oo Baydhabo ka dhaca tan iyo markii xilka madaxweynaha maamulka KMG-ka ah ee Koonfur-galbeed Somalia Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!