QM oo ka digtay sii socoshada rabshadaha ka jirta dalka Yaman

by admin | Monday, Mar 23, 2015

Yaman : HN :–Danjiraha QM ee dalka Yemen ayaa ka digay in dalkaas uu galo colaado daba-dheeraada oo la mid ah kuwa haatan ka taagan dalalka Suuriya, Ciraaq iyo Liibiya.

Jamal Benomar ayaa hadalka ka sheegay kulan deg-deg ah oo xaaladda ka taagan dalka Yemen ay ka yeesheen xubnaha Golaha Ammaanka ee QM. Wuxuuna dhallanteed ku tilmaamay in la rumeysto in kooxaha Shiicada ah ay la wareegi karaan dalkaas oo dhan.

Sidoo kale, ergayga ayaa xusay in madaxweynaha xukunka laga tuuray ee Cabdul-Rabbi Manuuur Haaddi, uusan haysan ciidamo ku filan oo ka caawin kara inuu awooda dib ula wareego.

Kulanka Golaha Ammaanka ayaa waxaa codsaday madaxwayne Haadi, kaasoo bishii hore isaga cararay magaalada Sanca ee xarunta ahMagaalada_Ticis_Yemen kaddib markii ay la wareegeen xoogagga Xuuthiyiinta, wuxuuna haatan saldhig ka dhigtay magaalada Koonfurta ku taalla ee Cadan.

Dhanka kale, wararka laga helayo Yemen ayaa sheegaya in Xuuthiyiinta ay qabsadeen qaybo ka mid magaalada istaraatiijiga ah ee Tacis oo ku taalla inta u dhaxaysa Sanca iyo Cadan, waxaana gacanta ku hayay ciidammo taabacsan madaxwayne Mansuur Haaddi.

Qabsashadan u dambeysay waxaa ka dhashay mudaaharaadyo waawayn oo lagaga soo horjeedo kooxaha Xuuthiyiinta ah oo haatan maamula dhul aad u ballaaran oo ku yaalla waddanka Yemen.

Si kastaba ha ahaatee, goor sii horreysay ayuu Maraykanku ka billaabay gudaha waddanka Yemen inuu kala baxdo ciidamadiisa gaarka ah, kaddib markii ay sheegtay in xaaladda amni ee Yemen ay aad uga sii darayso.

Hiiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!