QM oo ka hadashay xaalada qaxootiga Soomaalida

by admin | Sunday, Oct 18, 2015

Nairobi : HN :–Ilaa 5,000 oo qaxooti Soomaali ah oo ku sugnaa xeryaha Dhadhaab ee waddanka Kenya ayaa dalkoodii dib ugu laabtay,sida lugu sheegay warbixin cusub oo hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR  uga hadashay xaaladda qaxootiga Soomaalida.

Tiro kale oo gaaraysa 4,500 ayaa is diwaangaliyay,waxaana ay doonayaan inay ku laabtay dalkooda oo ay ka maqnaayeen wax kaUNHCR badan labaatan iyo shan sanno.

UNHCR ayaa ku caaawisay dadka soo laabanaya sahay iyo gargaar kale waxaana badi ay soo gaareen magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Luuq.

Afhayeen u hadlay UNHCR oo lagu magacaabo Adrian Edwards ayaa wariyaasha ugu sheegay magaalada Geneva qaxootiga Soomaalida ee ku sugan xeryaha Dhadhaab in ay u baahan yihiin taakuleen maadama ay dib ugu soo laabanayaan waddanka.

Ugu dambeyntii,warbixinta UNHCR waxaa lugu sheegay in ka badan 26,000 oo qaxooti Soomaali ah inay ka soo carareen colaadaha waddanka Yemen, waxaana ay dib ugu soo laabteen Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho.

Hiiraan Net.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!