QM oo soo dhaweysay gollaha wasiirrada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay

by admin | Thursday, Jan 29, 2015

Muqdisho : HN :–Danjiraha QM ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa maanta soo dhaweeyay golaha wasiirrada cusub ee Somalia oo uu 27-kii bishan ku dhawaaqay ra’iisul wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Qaramada Midoobay ayaa noqonaysa hay’addii ugu horreysya oo caalami ah oo dhismaha xukuumadda cusub ee Soomaaliya ee 20-ka wasiir ka kooban soo dhaweysa, kuwaasoo ka bedeli doona howlaha xukuumaddii hore ee C/weli Sh. Axmed.

“Magacaabiddan waa mid muhiimad weyn u leh horay u sii wadida qorshaha howlaha xukuumadda Soomaaliya,“ ayuu yiri wakiilka Nicholas2014710635405977882556900586246Nicholas_Kay Kay, oo intaa ku daray in wasiirrada lasoo magacaabay looga fadhiyo inay wax-qabad la yimaadaan.

“Baarlamaanku markuu ansixiyay xukuumadda cusub, waxaa laga doonayaa inay wax ka qabtaan arrimo ay ka mid yihiin; nabadeynta dalka iyo sidii lagu gaarsiin lahaa dalka doorasho xor ah oo dhacda sannadka 2016-ka,” ayuu Kay ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale, danjire Kay ayaa sheegay in baarlamaanka looga baahan yahay inuu door muhiim ah ansixinta xukuumadda cusub iyo dhismaha guddiga doorashada dalka si aragtiyada hiigsiga cusub looga miro-dhaliyo.

Ugu dambeyn, Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay ka go’an tahay dhan-kooda inay garab-istaagaan dowladda Somalia si dalka loogu soo dabaalo nabad, loona hirgeliyo howlaha dhiman.

Hiraan Net.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!