QM oo walaac ka muujisay xukunkii maxkamada racfaanka ku riday wariye C/siis Koronto

by Somali | Tuesday, Mar 5, 2013 | 2 views

banmainNew York : HN :  Xog-hayaha guud ee QM Mr Ban Ki Moon ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay xariga wali lagu sii hayo wariye C/siis Koronto xili dhawaan maxkamada racfaanka gobollka Banaadir ay sii deysay Luul Cali Cismaan oo kiiska kula jirtay wariye C/siis.

Maxkamada racfaanka ayaa labo cisho ka hor mar kale ku riday xukun xarig ah wariye C/siis Koronto, inkastoo maxkamadu ka qafiifisay wariyaha xukunkii halka sano ahaa oo ay horay ugu riday maxkamada gobollka Banaadir lagana dhigay Lix bilood oo xariga ah.

Ban Ki Moon ayaa dhinaca kale sheegay in ay soo dhaweynayaan sii deynta Luul Cali Cismaan oo aheyd dhibane sheegatay in ay kufsadeen ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya, laakii lagu eedeeyay in ay ciidamada ka been abuurtay.

‘’Waxaan dalbaneynaa in la sii daayo sida ugu dhaqsiyaha badan wariyaha, iyada oo la ixtiraamayo xuriyada hadalka,’’ ayuu yiri xog-hayaha QM Ban Ki Moon.

Inkastoo marar badan dowladda Soomaaliya loo jeediyay baaqo la xiriira sii deynta wariyaha ayaa haddana waxaa muuqaneysa in wali dowladdu si toos ah uga jawaabin baaqyadaas caalamiga ah.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!