QM oo yeelaneysa xog-haye guud oo cusub

by wadani | Thursday, Oct 6, 2016

New York : HN :-Madaxii hore ee Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxootiga UNHCR, Antonio Guterres, ayaa lagu wadaa inuu noqdo billowga Sanadka soo socda Xoghayaha guud ee Jimciyadda Quruumaha ka dhaxaysa.

Antonio Guterres, ayaa lagu ammaanay hawl karnimo iyo waaya aragnimo fiican, markii ay isla soo qaadeen Danjireyaasha15-ka Waddan ee xubnaha ka ah golaha Ammaanka, iyagoo isla gartay inuu yahay shaqsi u qalma inuu beddelo Ban Ki-Moon.

Antonio Guterres, oo uu la loolamayay Murashaxa kale ee ,Slovak Miroslav Lajčák, oo soo jeeda Dalka Ruushka,ayaa helay 13 Cod halka 2 Xubnoodna ay ka aamuseen, waxaana Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in la shaaciyo natiijada.

Xoghayha cusub,Antonio Guterres, oo 66 jir ah, ayaa horay u soo ahaa Ra’iisul wasaaraha Dalka Bortaqiiska, wuxuuna iminka noqonayaa Xoghayihii 9aad ee Qaramada Midoobay Soo mara.

Ugu danbeyntii Ban ki-Moon, ayaa muddo 10 Sano ah soo hayay xilka Xoghaye nimo, waxaana lagu wadaa in Bisha January 2017-ka uu beddelo Antonio Guterres.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!