Qof Bam isku soo xiray oo xalay ku qarxay degmada Jalalaqsi

by wadani | Thursday, Dec 29, 2016

Jalalaqsi : HN :-Warar dheeerad ah ayaa ka soo baxay  qarax khasaare geystay oo ka dhacay degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Qaraxan ayaa ka dhacay goob maqaaxi ah oo ay isugu yimaadaan dad shacab ah, waxaana fuliyaya Qof isa soo miidaamiyay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan.

Gudoomiyaha degmada Hiiraan Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in qaraxa uu ku dhintay ninkii ismiidaamiyaha ahaa oo kaliya, islamarkaana khasaare kale geysan.

Guddoomiyaha waxaa uu intaa ku darray in qofkan uu ka mid ahaa markiisii hore dadka degmada, hasse ahaatee uusan ogeyn sababta uu isku qarxiyay.

Ciidamada nabad-galyada ayaa markiiba tagay goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaa ka bilaabay baaritaano la xiriirta falka is qarxinta ah.

 

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!