Qof dumar ah oo ku dhimatay rasaas ay Al-shabaab ku fureen goob uu arsoos ka dhacayay deegaanka Booco,, Hiiraan

by Somali | Thursday, Jan 3, 2013 | 33 views

Baladweyne : HN :   Qof dumar ayaa ku geeriyootay ilaa sadax kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray rasaas ay ragg ka tirsan Al-shabaab galinkii danbe ee shalay ku fureen guri uu ka dhacayay aroos deegaannka Booco ee gobollka Hiiraan.

Qof dumarka ah ee geeriyooday ayaa u dhimatay dhaawac halis ah oo ka soo gaaray rasaasta xili loo soo waday isbitaalka guud ee magaalada Baladweyne, hasse ahaatee waxaa hadda isbitaalka ku jira oo lagu daweynayaa labo ka mid ah haweenka dhaawacmay oo xaaladooda laga deyrinayo.

‘’Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa tagay guriga, iyaga oo aan waxba weydiin ayeey rasaas ku fureen haweenka, meesha waa lagu kala cararay, aniga waxaan islahaa markii hore khasaaraha waa uu ka badan yahay inta uu hadda gaaray,’’ ayuu yiri,’’ qof goob jooge ahaa.

Waxaa uu sheegay in ragga falkaasi geystay ay si nabad ah goobta uga dhaqaaqeen, iyadoo aysan jirin cid daba-gashay falkaa ay kula kaceen haweenka joogay munaasabada arooska.

Waxaa ay dhacdadan qeyb ka mid ah falal noocan oo kale ah oo ay kooxda Al-shabaab horay uga geysteen deegaannada ay maamulaan, iyaga oo ka soo horjeeda habka ay dadka  u dhigtaan xafaladaha arooska iyo munaasabadaha kale ee la mid ah.

Hiiraan Net.

Like it? Share it!