Qof ku dhintay Bam caawa lagu weeraray maqaayad ku taala Beledweyne

by wadani | Wednesday, Jan 11, 2017

Beledweyne : HN :-Hal qof ayaa inta la og-yahay ku dhintay labo kalana waa ay ku dhaawacmeen Bam caawa lagu weeraray oob maqaaxi ah xaafadda  Xaawo Taako ee magaaalada Beledweyne.

Dad ku suganaa goobta oo ayaa inoo sheegay in dad aan la garaneynin bam gacameed ku tuureen maqaayad lagu fiidsado xaafadda Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, iyadoo kooxihii Bamka  ku weeraray maqaayada goobta ka baxsadeen.

Dadka dhaawacmay ayaa la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne halkaa oo ay xaaladooda caafimaad kula tacaalayaan dhaqaatiirta isbitaalka.

Weeraradan noocan oo kale ah ayaa inta badan lagu bartilmaameedsadaan goobaha ay dadka ku badan yihiin, lamana garanayo cida weerarkan caawa ka danbeysa.

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah