Qofna naxariiste Alle mooyee camalkiisa jannada kuma gelayo, WQ; Omer Suleiman Ali

by Yahye | Monday, Sep 9, 2013

Waxaan maanta doonayaa in aan halkan idiinku macneeyo xadiis caam ah oo dadka intooda badani wada garanayaan ama ay maqleen oo uu rasuulku yidhi qofna camalkiisa kuma galo jannada ee waxaa lagu galaa naxariista Alle oo keliya.

روى ابي هريرة رضي الله عنه انه قال سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم قال :

 لَنْ يُدْخِلَ أَحَدًا عَمَلُهُ الْجَنَّةَ”. قَالُوا: وَلَا أَنْتَ يَا رَسُولَ اللَّهِ؟ قَالَ: “لَا، وَلَا أَنَا إِلَّا أَنْ يَتَغَمَّدَنِي اللَّهُ بِفَضْلٍ وَرَحْمَةٍ، فَسَدِّدُوا وَقَارِبُوا وَلَا يَتَمَنَّيَنَّ أَحَدُكُمْ الْمَوْتَ؛ إِمَّا مُحْسِنًا فَلَعَلَّهُ أَنْ يَزْدَادَ خَيْرًا، وَإِمَّا مُسِيئًا فَلَعَلَّهُ أَنْ يَسْتَعْتِبَ (مسلم).

Alle raalli ha ka ahaado eh waxaa Abii Hurayre laga weriyey in uu yidhi waxaan maqlay rasuulka scw oo leh “qofna camalkiisa jannada kuma galo, markaas ayaa la weydiiyey ma adigana kolay ku tahay rasuulkii AIlaw, markaas ayuu dhahay, haa haddii uusan Alle naxariistiisa ugaga badbaadin”.

Hase yeeshee waxaa muuqata in uu xadiisku intaas ka qoto dheer yahay uusanna ku koobnayn jannada aakhiro ee midda adduunyaduna aan sidoo in Alle kuu naxariito mooyee si kale lagu gelayn.

Qofka mu’minka ah in uu camal khayr ah u hawl galo mooyee mid shar ah lama ogola in uu u hawlgalo. Sidaas darteed waa in uu khayr keliay sameeyaa, si Alle ugu naxariisto sidaasna uu ugu geliyo jannada.

Marka waxaa loo baahan yahay in ruux waliba Alle ka xadhig xidhto kuna dadaalo intii karaankiisa ah in uu helo naxariista Alle. Haddii kale wanaagga adduunka iyo midka guriga aakhiro indho ma saarayo.

ادخلوا الجنة بما كنتم تعملون  . وتلك الجنة التي أورثتموها بما كنتم تعملون 

Haddaba aayaddan sida ka muuqata waxay lee dahay waxaa dadka camalka wanaagsan samayn jiray lagu odhanayaa “camalkiinnii ku gala jannadan ama jannadani waa middii aad ku dhaxasheen waxyaabihii aad samayn jirteen”. Haddaba aayadda iyo xadiisku isma burinayaan waayo xadiiska macnihiisu waxa weeye camalkii wanaagsanaa oo uu Alle raalli ka noqday awgiis ayuu Alle idiinku naxariistay idinkuna dejiyey jannadiisa.

Marba haddii naxariista Alle oo keliya lagu gelayo jannada waxaa lagama maarmaan ah in ruux waliba habeen iyo maalin uu wixii uu camal sameeyo iyo wixii uu hadal dhaho uu ka dhigaa mid uu ku doonayo raallinimada iyo naxariista Alle.

Haddaba aynu Soomaaliya u soo laabanno waxa ay maanta ku sugan tahay. Waxaynu ognahay in Soomaaliya ay soo martay dhawr iyo labaatan sano oo cadaab middii ugu xumayd. Waxaan kale oo og nahay in ruuxii wanaag sameeya uu Alle wanaag ku abaal mariyo if iyo aakhiraba ruuxii xumaan sameeyana xumaan iyo cadaab. Sidaas darteed xumaan haddii ay qof ama ummad ku habsato wax kale ma aha in ay ku macneeyaan ee waa in ay gartaan in dulmi lagu sugan yahay waxanina yihiin cadaab Alle, markaasna ay u dareeeraan toobad. Haddaba anigu dhibaatada Soomaaliya waxaan lee yahay waa cadaab Alle ee ha loo dareero xagga Alle hana la toobad keeno.

Aadami awood kasta oo uu sheegto oo cadaab Alle kaa qaadi karaana in uusan jirin waa in aynu dubaaqeenna u sheegna kuna talo gelin in aynu miciinsanno Alle mooyee shaydaan.

Sida xadiiska ka muuqatana khayrka aynu jecel nahay innaga awood aynu ku keensanno Ilaah nama siinin hase yeeshee wuxuu noo sheegay in aynu isaga mooyee cid kale caabudin ama ka amar qaadanin markaas ayuu Alle isaga ina siinayaa wax kasta oo aynu u baahanno. Sidoo kalena dhibaatada ummad ahaan maanta na haysata Alle mooyee cid kale oo naga qaadi kartaa ma jirto ee aynu toobad keenno.

Alle wuxuu noo abuurtay in aynu caabudno oo keliya ee nooma abuuran in aynu innaga wax alla wixii aynu doono caqligeena iyo xooggeenna ku keensanno.

Haddii uusan Ilaah waxba noogu fadhiyin oo aynu innagu isku filanahay in Ilaah la caabudo meesha way ka baxaysaa, sidaasna waxaa qaba gaalada iyaga oo ka shidaal qaadanaya Darwin. Waxaase wax lala yaabo ah in aynu innaga islaam sheeganayna aynu u dhaqanno sidii dad fikirka ku raacsan gaalada u aragta dhulka wax alla wixii abuur ahaan jira in ay dabeecaddu keentay ayna iyagu iska filan yihiin Allena waxba uga baahnayn.

Waxay in badan oo Soomaali ahi aaminsan yihiin in dhibaatada Soomaaliya ay keentay qabyaaladdu mana yaqaanaan waxa uu qabiilku yahay qabaa’ilka Soomaalidu sheegtaana ahayn midka Quraanka lagu tilmaamay. In kale waxay rumaysan yihiin in cadaalo daradu sabab u tahay burburka Soomaaliya iyaga oo aan waxa cadaaladdu tahay aan aqoonin oo u maleeya in ay tahay cadaalad lagu gaadhay sharci aadami dhoobay oo baadil ah.

Waxaan anigu lee yahay qabyaaladda, cadaalo darada iyo dhibaato oo dhammi waxay ka dhalatay khilaafka la khilaafay manhajkii Alle noogu soo dejiyey in aynu ku dhaqanno haddii la toobad keeno oo loo laabtana dhibaato oo dhammi wayn na daynaysaa. EE MAXAA NAGA CELINAYA.

 

GUNAANAD.

Waxaas dad siyaasi isku sheegyo ah ee gulufku ka dhammaaday ee iska dhigaya in ay naftooda iyo qabiilkooda beenta ah in ay wax u tari karaan lagama yaabo in ay wax u taraan oo ay iyagu adduunka Alle la lee yihiin lana xukumaan oo wixii ay doonaan iyagu samaysan karaan, sidaasna Alle uga xadhig furteen oo ay u muuqdaan kuwo si dadban Ilaah u sheeganaya.

Waxaan lee yahay Soomaaliyeey siyaasiyiintiinnu yaanay Ilaah aad caabudaan idiin noqon oo idin toobad seejin. Wax uusan Alle ku tarin cid kale oo ku tari kartaa ma jirto eh, dhib uusan kaa qaadinna cid kale oo kaa qaadi kartaa ma jirto.

Waxaan ku soo gunaanadayaa aayadahan hoos ku qorana oo noo sheegaya in markii aynu dib ugu laabanno manhajka Alle ee aynu si bnuuxda ugu dhaqanno uu Alle isagu wax kasta faraha naga saarayo waayo wax awood ah oo aynu ku keensanno roob ma lihin. Roobna waynu rabnaa mana keensan karno innagu Ilaahii noo hayey ee na siin karayna dhabarka ayaynu u jeedinay oo waxaynu ku beddelanay dad innaga ookale ah oo aan waxba na dhaamin.

فقلت استغفروا ربكم إنه كان غفارا، يرسل السماء عليكم مدرارا، ويمددكم بأموال وبنين ويجعل لكم جنات ويجعل لكم أنهارا)نوح(.

وَيَا قَوْمِ اسْتَغْفِرُوا رَبَّكُمْ ثُمَّ تُوبُوا إِلَيْهِ يُرْسِلِ السَّمَاءَ عَلَيْكُمْ مِدْرَارًا وَيَزِدْكُمْ قُوَّةً إِلَىٰ قُوَّتِكُمْ وَلَا تَتَوَلَّوْا مُجْرِمِينَ )هود. (

SH. OMER SULEIMAN ALI                                                            08/09/13

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!

Fariimaha waxaad reebi kartaa adigoo Guest ahaan ah