QOLO NACAYBKOODU YUUSAN ALLE KU SEEJIN, WQ: Omer Suleiman

by Yahye | Saturday, Dec 10, 2011

Dadka Soomaaliyeed iyaga oo wada islaama ayaanay weligood ku dhaqmin kuna talo goosan shareecada Islaamka. Sidaas darteed waxay u ra’yi dhiibtaan ama u talo soo jeediyaan sidii ay ka barteen gumaysigii gaalad iyo ka dib kuwii ay wax ka soo kala barteen. Markii aad dhigaysato dadka ka hadlya miidiyaha ee ka doodaya xalka dhibaatada ka aloosan Soomaaliya ama haddii aad adigu toos ugala hadasho dhibaatada Soomaaliya xalkeeda, waxaad arki kartaa dad ka fikir qaadanaya gaalada oo boog ay akhriyeen ama hadal ay ka dhegaysteen TV-ga jeebka ku wata oo mar kasta kuula soo baxaya fikir diin ahaan aad ku gaaloobi kartid, matal:

Shariifku habeenkii madaxweyninimada loo magacaabay wuxuu magaca Alle ugu dhaartay in uu daacad u yahay Axdi Qarameedka dawladdii Cabdullaahi Yuusuf u dhignaa, halkaas wuxuu uga baxay daacaddii Alle waayo wuxuu u bartay in gaal iyo muslimba adduunka ay ku dhaqmaan dastuurro ay kala samaysteen, hase yeeshee markii aad xagga shareecada Islaamka ka eegtid waa hadal lagu gaalobi karo, mana aha hadalkii uu dhihi lahaa qof Islaam ahi.

Markii uu tegey Xamarna wuxuu ummaddii Soomaaliyeed oo dhadhamisay macaanka iimaanku leeyahay muddadii koobnayd ee midawgii maxaakiimtu ka talinayey koonfurta Soomaaliya u sheegay in uu kitaabka wax ku xukumi doono. Sidaas oo ay tahay waa ogaa in uusan shareeco wax ku dhaqi doonin, laakiin waxaa la soo baray in siyaasaddu tahay been iyo wax is daba marin, sidii ayuuna yeelay, waayo wuxuu ogaa in aanay ummaddu wax kale yeeli doonin, marka waxay ka ahayd hadda waxa ay doonayaan u sheeg hadhawna beddel. Maantana wuxuu u ololaynayaa Axdiga Qabyo Qoraal, taas oo muujinaysa in uu weli daacad u yahay Axdi Qarameedkii ay dawladdu ku shaqaynaysay. Wuxuu u maleeyaa in siyaasaddu tahay sida midda gaalada laga dhaxlay oo ahayd kala qaybi oo xukun. Taas oo ah habka lagu yaqaan gumaysiga laakiin dawlad xor ah in la mideeyo ayaa lagu xukumi karaa, waxaana muuqata in digtaatoor oo dhammi yahay gumayste doonaya in uu isagu dadka xukumo sidaas darteed jidkii gumaysiga ayuu qaadaa oo dadka ayuu kala qaybiyaa, shariifkuna waa sidaas.  

Waxaa mudadii Omar Cabdirashiid shacabka Islaamka ah loo sheegay in xukuumaddu ansixisay ku dhaqanka shareecada Islaamka taas oo uu shacabka Soomaaliyeed aad u doonayey ka dibna waxaa la is tusay baarlamaanka oo isna ansixiyey, ka dibna waxaa la is tusay Shariifka oo go’aankii ku dhaqanka shareecada si loo meel mariyo saxiixaya. Markiibana culumo ayaa inta loo yeedhay u fadwootay in ay tahay dawlad Islaam ah la dagaalkeeduna yahay fitno. Waxaas oo dhammi waxay ahayd qayaamo iyo been abuur la doonayey in lagu seeto dheeraysto si loo maleego qayaamo kale iyada oo ay mar walba ka go’an tahay in aan lagu dhaqmin shareecada Islaamka. Sidaasna waxaa loo yeelayaa gaalada la isu dhiibay ayaa rabta waxaadna mooddaa in lagu heshiiyey wixii aad rabtaan ayaanu samaynaynaa ee idinkuna garab iyo gaashaan noo ahaada.

 Waxay arrintii fashalantay markii Omar Cabdirashiid oo Jooga Addis Ababa ay VOA waraysatay ee uu markaas ku jawaabay kuwa naga soo horjeeda ee shareeca doonka ah ayaanu ku af waajiyeynaa ee ma aha middii gacmaha la jarayey ama la isku rajminayey. Arrinkaas ayaa fogeeyey culumadii xaq doonka ahayd oo dhan iyo intii shareeco Alle doonka ahayd, waajibisayna in la galo jahaad. Marka haddii shareecadii lagu dhaqmayey run ahayd hadda maxaa keenay in diin cusub oo aan ahayn middii xaqa ahayd dadka lagu sandulleeyo, wax kale ma aha ee awalba sida Omar Cabdirashiid u sheegay been ayay ahayd. Dad badan oo culumo iyo caamaba leh ayaana ku sirmay oo beentii run u qaatay, culumo waaweyn ayaana dawladda Shariifka u fadwooday in ay tahay dawlad Islaam ah welina ku dheggan aanna runtii anigu garan karin waxa ka sida ah. Wixii ay qaar ka mid ah dawlad ku sheegto yeeli lahaayeenba waxaan marna yeelayn gaalada, sidaas darteed meeshii ay Alle ka raalli gelin lahaayeen waxay raalli gelinayaan isbahaysiga gaalada.  

Markii uu arkay Shariifku in uu helay culumadii oo ku kala jabtay meel adagna ka kala joogsaday ku dhaqanka shareecada, ballan qaadyadii uu sameeyeyna ahaayeen kuwo been ah ayuu bilaabay dib ug gurasho iyo in uu dhaho hadallo aan caddayn oo dadku ku sirmi karaan يَعِدُهُمْ وَيُمَنِّيهِمْ وَمَا يَعِدُهُمُ الشَّيْطَانُ إِلَّا غُرُورًا (120) una eg in uu weli doonayo shareecadii, laakiin aanay hadda habboonayn. Waxaas oo dhammi waxay ku dhaceen la tashiga gaalada laakiin shaki iigama jiro haddii aanay ahaan lahayn gaalada uu isu dhiibay shareecada waa lagu dhaqmi lahaa.

Markii uu arkay in uusan gaalada diidi karin ayuu bilaabay in uu dhaho dhaqan gelinta shareecada waxaa ka horraysa in nabad la helo iyo fursad nalooma siin ee dagaalka ha nalaga joojiyo. Weligay sheeko iyo shaahid iguma soo marin ummad cadawgii dhulkeeda qabsaday odhanaysa xabbadaha ha laga daayo. Taas oo keenaysa in ay dalka oo dhan wada qabsadaan culumadana ninba ninka uu ka aqoon badan yahay iyo inta xafidsan Quraanka ay wada laayaan sidaasna ay u suurto gasho in ay ummadda xoog ku gaaleeyaan. Maalinkaas wixii ka dambeeyey beentii ummadda loo sheegayey ee ahayd shareeco ayaan ku dhaqmaynaa meesha waa ay ka baxday, hase yeeshee waxba kama lumin oo wuxuu helay dad fara badan oo adduunyo doon ah oo aan aakhiro dan iyo muraad ka lahayn oo leh waxaan rabnaa nabad, in aannu ubadkayaga u helno wax barasho, caafimaad iyo nolol adduunyo. Culumadii markii ugu horraysay u fadwootay ayaa ku dhaqankii la rabay in lagu dhaqmo shareecadii Islaamka dhabarka ka jebisay una tustay dadkii caamada ahaa in dawladda tahay dawlad Islaam ah dagaal lagu qaadaan yahay xaaraan iyo fitno, iyaga oo shaqsiyaad iyo kooxo diiddan. Waxaan ummadda Islaamka ah uga baaqayaa in aanay dawladda ku raacin gaalnimada laguna sirmin adduunyo doonka aan aakhiro doonka ahayn ee gashan shaatiga culumada, sidaasna u yeelaya qof ama koox ay neceb yihiin darteed, iyada oo Alle na farayo in aanay ku cadaab mudan necayb aan Alle dartiis ahayn sida aya labadan aayadood sheegayaan.
يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا لَا تُحِلُّوا شَعَائِرَ اللَّهِ وَلَا الشَّهْرَ الْحَرَامَ وَلَا الْهَدْيَ وَلَا الْقَلَائِدَ وَلَا ءَامِّينَ الْبَيْتَ الْحَرَامَ يَبْتَغُونَ فَضْلًا مِنْ رَبِّهِمْ وَرِضْوَانًا وَإِذَا حَلَلْتُمْ فَاصْطَادُوا وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ أَنْ صَدُّوكُمْ عَنِ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ أَنْ تَعْتَدُوا وَتَعَاوَنُوا عَلَى الْبِرِّ وَالتَّقْوَى وَلَا تَعَاوَنُوا عَلَى الْإِثْمِ وَالْعُدْوَانِ وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ شَدِيدُ الْعِقَابِ(2). يَاأَيُّهَا الَّذِينَ ءَامَنُوا كُونُوا قَوَّامِينَ لِلَّهِ شُهَدَاءَ بِالْقِسْطِ وَلَا يَجْرِمَنَّكُمْ شَنَآنُ قَوْمٍ عَلَى أَلَّا تَعْدِلُوا اعْدِلُوا هُوَ أَقْرَبُ لِلتَّقْوَى وَاتَّقُوا اللَّهَ إِنَّ اللَّهَ خَبِيرٌ بِمَا تَعْمَلُونَ(8).

Iyada oo ay tahay in Alle dartiis oo keliya wax loo naco waxna loo jeclaado waxaa muuqata dadka Soomaaliyeed in aanay Alle dartiis wax u jeclaan waxna Alle dartiis u nicin, sidaas darteed waxa ay samaynayaan oo dhammi waa baadil. Haddii dadka gaalada la soo saftay ay Alle dartiis wax u wadan lahaayeen gaalada lama soo safteen.
Colaadduna waxay u dhammaan la’ dahay ma aha Alle dartiis mid ku socota ee waa mid ku socota shaydaan dartiis, sidaas darteed waxaan ummadda ugu baaqayaa in ay toobad keenaan Allena u laabtaan dhibaato oo dhammi markaas oo keliya ayay dhammaanaysaa.

Mana jirto awood aadami oo dhibaatada daawayn karta, Alle oo keliya ayaa haya xalka cudurka Soomaalida jidkiisa oo la qaado ayaana looga baxayaa ee Maraykan iy cid kale toona awood uma laha in uu Soomaaliya u helo xal.
Maqaalkan oo faah faahsan ka dheego www.omersuleiman.co.uk
 
 
G/le Sare Omer Suleiman Ali​​​​​​ 9/12/11

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!