Qoraal jawaab u ah Barnaamijka cusub ee Universaltv Qandaraaska ku qaadatay Muqdisho yaa leh??

by Yahye | Thursday, Jan 19, 2012


DHULKOO DADKA WAW DHAXAYS DHIISHAASE NINBA MEEL DHIGTAA!

Qeybta Koowaad
Waxaan xigmad cajiibka ah u soo qaatay ciwaana uga dhigtay inaan ka jawaabo su,aasha aan waqtigeedii joogin dadkuna la yaabeen ee beryahan halhayska ka dhigtaan bahda Universal tv ,waxaan arkay mawduuc ay ciwaan uga dhigeen muqdisho yaa iska leh oo shacabka soomaaliyeed iyo daawadayaasha lagu mashquuliyay dhib uma arko shaqsiga ka jawaabaya iyo kan ka qayb qaadanaya toona balse waxaa is weydiin leh maxaa keenay su,aasha.
(Haddaan sacabka xeel laga lahayn habeenkii lama tumeen)

Sida cid waliba ogtahay Muqdisho ilaahay ayaa iska leh, waana dhul soomaaliyeed , waxaana degan umad soomaaliyeed waxayna deganaayaan 20 qarni ka badan waana magaaladiii ugu horeysay ee soomaaliyeed ee la magaaleeyo. Sida taariikhdu xusto waxaa la dhisay ayaa layidhaahdaa qarnigii 2aad ama 3aad ee Milaadiga , Muqdisho waa hooyada magaalooyinka soomaaliyeed waana magaalo madaxda soomaaliyeed waxaana nasiibkaa u qadaray ilaahay .

Muqdisho waxay ka mid tahay magaalooyinka soomaaliyeed waxaana iska leh umad soomaaliyeed
Innaga oo intaasoo dhan og maxaa kelifay inaan isweydiino muqdisho yaa leh.
Bal hadaba aan weydiino reer universal tv maxaa keenay muqdisho yaa leh yaa ku muransan lahaanshiyaha muqdisho?

Ma xad bay noqotay muqdisho oo xabashi ayaa doonaysa inay qaadato?
Ma kenya ayaa hunguri kaga jiraa oo doonaysa inaan u cadayno cida leh?
Ma laba beelood oo ku dirirsan baa jira lahaanshiiyaheeda oo doonaya in la dhexdhexaadiyo?
Muqdisho ma magaalo la dhisay 60kiibaa miyo 90kii maxaa muranka ka keenay lahaanshiiyaheeda?
Muqdisho ma waxay noqotay marinkii qasaa iyo qudus waa laysku haystaa?
Muqdisho sida aan wada ognahay waa deegaan ka mida deegaanada soomaaliyeed waa gobolka banaadir waxayna ku taalaa galbeedka badweynta hindiya.

Intaas hadaan ka soo gudubno umada soomaaliyeed waxaay u kala qaybsan tahay beelo dhawr ah oo isir iyo asal ahaan meel ka soo wada jeeda hadana isku dhaqan iyo isku af ah , mana jirto maanta meel dhul laysku haysto khilaafka ka dhex aloosani waxuu ku salaysan yahay siyaasad iyo ismaandhaaf dhexdooda ah kalsooni daro , cadaalad daro ay sababtay colaadii sokeeye mana jirto ilaa hada laba beelood oo ceel iyo daaqsin ku dirirsan.

Way jiraan dad 2012 ku fekeraya inay qoob iyo qaylo ku raadiyaan dhul aysan lahayn ama deganayn balse tuducda xigmada ah ayaa koobaysa ujeedadaa oo ah, Dhulkoo dhan dadka waw dhaxays dhiishaase ninba meel dhigtaa. oo macnaheedu yahay in dunidan meel kasta lagu wada noolaan karo balse meel kasta oo aad tagto qowmiyad iyo umad ilaahay ku abuuray oo degaan u leh inay jirto.Taariikhda soomaalidu waxay ka soo bilaabatay badda cas (Raascasayr iyo saylac , bulo xaar berbera iyo jabuuti ,xeebta dheer ee sanaag xiis iyo maydh )ilaa siday u socdeen ay ka gaadheen badweynta hindiya iskuna fidiyeen ilaa wajeer iyo dhulka kenya hada soomaalida ka haysato iyo harar iyo diradhaba oo dhinaca dhulka soomaaligalbeed oo hada itoobiya haysato ma jirto cid taariikh aan hada abqaalaysaa wax waliba waa laga wada dheregsan yahay ab iyo oday ka sheekeena waa lagu haystaa.

Sida caadiga ah qoys waliba waxuu ka beermaa lamaane ka dib ayuu farcamaa hadaba qoyskii waxuu dhalaa qoysas badan guri keli ahaana waxuu noqdaa guryo badan sidoo kale bulshadu markay badato waxaa kordha baaxada dhul iyo deegaan ay ku nooshahay dadkii soomaaliyeed markay bateen waxay gaadhaan cidhifyada ay hada shanta soomaaliyeed ku kala noolyihiin iyada oo la tilmaamo inay qaarkood u gudbeen wadamada suudaan iyo jaad iyo brundi iyo kongo hadana taariikhda umada soomaaliyeed maaha mid wax lagaga bedeli karo barnaamij kooban oo ku salaysan caadifad iyo belo abuur.

Haddii maanta barnaamij laga furo Muqdisho yaa leh ama hargaysa yaa leh uma baahna jawaab cida leh waa la ogyahay umana malaynayo haddii telefishan laga sii daayo iyo haddii lagu mudaaharado toona inaan waxba laga bedeli karin.

Kaftana hayga ahaatee waxaad moodaa qolada universal oo awalba fadhi ku dirir ahayd sheeko ay ka soo qaadeen marfash ka mida marfashyada london inay ku dhex furaan bulshadii soomaaliyeed ee aduunka dacaladeeda kala joogtay oo ku saabsan muqdisho yaa leh.

Muqdisho waxaa iska leh umada degan maanta horena u deganaa ayna tahay degaanka awoow iyo awoowgiis waxaa leh qowmiyad ka mida umada soomaaliyeed oo ilaahay ka dhigay deegaankooda kuna beeray dadkuna u yaqaan ninkii ogi waa ogyahay nacasna loo sheegi maayo.

Waxaa jirta in umadna ilaahay nasiib u siiyay saxare lama degaan ah oo aan dhir iyo baad toona lahayn biyona lahayn oo oomane ah deegaankiisa oo aan wax noole ah ku noolayn .

Umad kalena waxaa ilaahay deegaan uga dhigay dhul webiyada iyo badduhu is dhaafayaan oo kaymo iyo hawd ah xoolo iyo ugaadhi ka buuxdo meel kasta xareeda iyo biyuhu jiifaan dhul beereed geed waliba ka baxayo oo barwaaqo ah.

Taasi ma keenayso colaad iyo nacayb midna waa in shaqsi walbaaba ku qanacsanaadaa waxuu helay ileen calafkaagu laguma dhaafin karin.

Muqdisho taariikhdeeda iyo deegaankeeda qofkay ka gedman tahay waxuu ka helayaa kaydadka taariikhda caalamka iyo Library walba oo caalamka ah.

Hadaba bahda Tvuniversal ayaa mudooyinkan ku caanbaxay baahinta warar aan sugnayn waxyaabo aan dhaqan ahaan iyo diin ahaan munaasib ku hayn warbaahinta iyo waxyaabo badan oo umada soomaaliyeed iska hor keenaya iyaga oo eeganaya shilimaad yar ama dhaqaalaha yar ee shaqsiga danta gaar ahaaneed ka wataa ayaa waxay baahiyaan barnaamijyo aad moodo inay noqdeenba hogaamiye kooxeedyada cusub ee dhinaca saxaafada.Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa waxaad moodaa in jahawareer ku yimid dhinaca warbaahinta tvga universal oo caalami isku magaacaabay inuu hadana u socdo tv kooxo ama beel u duuban aad moodo inuu abuurayo tartan siyaasadeed oo cusub ay ku bahoobeen iyaga iyo kooxo kale inay wax kaga bedelaan jiritaanka umada soomaaliyeed.

Wax waliba waxay leeyihiin xeer , xad iyo xakame , dabar iyo xadhig lagu xejiyo oo lama dhaafaan u ah , shuruuc iyo qodobo dhisme ahaan iyo maamul ahaanba ilaaliya hadaba saxaafada qaarkood xaalkodu ma jaantaa roganbaa, Maahmaah Soomaaliyeed ayaa odhanaysaa sidan:(Hadal aan fiiro loo odhan iyo caano aan fiiqsi loo dhaminba way kula fogaadaan) Haddii uusan jirin xakame ama xeer saxaafada celiyaa saw noqon mayso inay cid waliba idaacad yar oo la yidhaahdo halkani waa (Radio reer hebel) furato barnaamijyo daacayadeed iyo dhaqan burburis iyo xamaasad iyo colaad abuura ka dhex bilowdo bulshada soomaaliyeed.

Haddii uu Universaltv doonayo inuu sameeyo tix raac taariikheed sidii hore idaacadaha afka soomaaliga ku hadlaa u sameeyeen BBC iyo VOA waa wax wanaagsan inay dadka aqoonta u leh dhaqan ahaan iyo taariikh ahaan waraysiyo ka qaadaan waydiiyaana taariikhda umadeed dhinac walba sida asalkii umada soomaaliya iyo xadaaradihii kala duwanaa ee dalku soo maray.

Warbaahintu hadaanay ku shaqayn rabitaanka iyo waxtarka umada waxay noqonaysaa aalad loo adeegsado burburka iyo fasaadka iyo iska hor keenida umada soomaaliyeed. Waxaan fariin ahaan ugu dirayaa gebi ahaan saxafiyiinta soomaaliyeed gaar ahaana Universaltv.

Intaad jirteen waxaa laydinku bartay xumaan iyo samaan, waxaad tihiin tvgii ugu horeeyey ee soomaaliyeed ama islaam ah oo baahiya ama soo bandhiga waxyaabo wax u dhimaya Nebigeena Muxamada CSW iyo sawiradii qalafsanaa ee aad bulshada hordhigteen. Waxaa laydinku bartay dood aan la hufin oo aad bulshada qaarkood ku fadeexadaysaan, waxaa laydinku bartay arimo badan oo ka caagan saxaafada sida wax u dhimista sharaf qowmiyad ama beel iyo meelka dhaceeda iyo mid caqiido iyo waxyaabo kale oo aanan halkan kaga hadlayn hadaan ka hadlona aan meeshaad joogtaan aniguna tegayo waxaad tihiin warbaahin soomaaliyeed waxaan idin soo gudbinaya tixdan yar ee waanada ah :-
Saxaafadu sidaa maaha
Hadba seeri jiidh maaha
Sawdkaaga gado maaha
Sirgac iyo xumaan maaha
Bulshadana sumee maaha
Kala soocis keen maaha
Kala saar dadkana maaha
Sababee colaad maaha

Warar saafiyoo diiran
Samo iyo wanaag beera
Saluugiyo xumana keenin
Ku salee aqoontaada
Hadba saymihii nabad leh
Saxalkiyo dhibkana qaada
Sahankooda doon weeye
Socodkeeda badi weeye
Ku saxeex qoraal weeye
Soyaalka geli weeye.

Waxaa habeen walba idin daawanayaa waa umad soomaaliyeed haddii aad habeen walba 100 ama 1000 ka mida colaad ku abuurtaan iyo nacayb waxaad isa soo taagi doontaa gabaahiir cidla ah iyo in magacyo badan laydinku yeedho hadhowna aad bulshada dhexdeeda ka noqotaan.Dad qaran dumis ah xuma ka taliyayaal ah jeclayna horumarka iyo nabada umada soomaaliyeed.

Waxaan ugu danbayntii qormadaydan manta ku soo afjarayaa cidii u baahan lahaanshiiyaha muqdisho marka hore ha keento , Qoraal ama qodobo ku saabsan sida loo yeesho deegaan ama cida lagu magacaabi karo inay deegaankaas leedahay.

Waxaana yeelan doona markaas muqdisho cidii shuruudaha deegaan lagu yeesho buuxisa .
Haddii gebi ahaan barnaamijku noqon doono sidan:-

Muqdisho yaa leh=
Hargaysa yaa leh=
Kismaayo yaa leh=
Boosaaso yaa leh=
Gaalkacayo yaa leh=

Waa sheeko taxane ah oo aan wax muhiimad ah ku dhex yeelan doonin shacabka looguna talogalay fadqalalo iyo fidno abuur warxuma tashiil ka buuxo mana aha shaqo saxaafadeed Sababtoo ah manta ma jirto cid dhul isku haysataa , soomaalida waxaa kala xadayn jiray ceel iyo daaqsin markii hore iyada oo cid walba iyo beel walba lahayd deegaan u gaara layskuna mana jirto cid cid kale deegaankeeda iyo dhulkeeda ku qabsan jirtay cidii ku qabsataana cid kale deegaankeedana riyadoodu uma rumoobi jirin waxaadna ka dheehan kartaa taariikhda reer guraagii soomaaliya iyo dhibaatooyinkii soo kala dhex maray iyo in qolo waliba ilaa maanta joogto meesheedii markii danbe ee dhulkii soomaaliyeed iyo deegaamadii la magaaleeyeyna murankiiba meesha wuu ka baxay oo qolo weliba xad iyo xeer ayay ku degan tahay dhulkeeda ama deegaankeeda laguma xadgudbaan ah. .

Sidaa awgeed ma jirto cid deegaan ku muransan ama ceel iyo daaqsin sanadkan maanta ah 2012ka qarniga 21aaad ninka aan lahayn deegaan iyo ceel uu awoowgiis ka dhaxlay iyo dhul uu asal ahaan ka soo jeedo iyo sumad xoolaad oo lagu yaqaan isirkiisa ma jiro oo soomaali ah, qofku haduusan intaas lahayn uusan jirin , ceel ama deegaan ama sumad xoolaad oo lagu yaqaan waxaa muran ku jiraa soomaalinimadiisa , dadka degan soomaaliya qaybaheeda kala duwan waa shanta soomaaliyeed way is yaqaanan laysmana barayo maanta waana laba qaybood soomaalida dhabta ah iyo soomaalida la soomaaliyeey.

Wadan walba waxaa jira dad u dhashay oo asal ahaan dhulka iyo deegaanka iska lahaa iyo dad ku beermay oo sababo badan u yimid oo kala duwan sida, Ganacsi, faafin diimeed, qaxoonti , sida hadaba soomaalidu wadamada dibadaha ku tageen , iyo xaalad ka duwan oo ah xoog iyo damaaci oo ku salaysnayd waqtiyadii gumaysiga.

Sidoo kale inta marxaladood ee aan soo sheegay waxaa jira dad ku yimid wadanka soomaalîya xiliyo kala duwan dadkaasoo hada ah loona aqoonsaday soomaali maadaama ay mudo dheer iyo mudo dhawba ku dhex milmeen umada soomaaliyeed waxaa dadkaas la odhan karaa soomaalida la soomaaliyeey waayo nin waliba waa ogyahay asalkiisii, hadduu ahaa Carab iyo haduu ahaa Hindi iyo hadduu ahaa wadamada afrika iyo haduu ahaa Boortaqiis ama talyaani iwm

Shaqsiyan anigu waxaan qabaa sida dastuurka soomaaliya qabo qofka la soomaaliyeey ee jinsiyada soomaalida ku qaatay guur ama degaan in la ilaaliyo xuquuqdiisa uuna ka mid noqdo bulshada soomaaliyeed dhinac walba dhaqan iyo dhaqaale .

Fiiro gaar ah:- Qoraalkan waxuu jawaab u yahay Barnaamijka muqdisho yaa leh ee ay fureen bahda warbaahinta Tv universal, mana jirto cid uu qaasatan ku yahay duulaan waa xog iyo xog ogaal waran .

La soco qoraalkan Oo yeelan doona qaybo kale , qaybihiisa danbe waxaan ku soo qaadan doonaa taariikhda soomaaliya , magaca soomaaliya, asalka soomaaliya , kala degaanshaha soomaaliya, iyo lahaanshiyaha caasimadaha soomaaliya dadyoowga iska leh, soomaalida dhabta ah iyo soomaalida la soomaaliyeey intaba

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!