Qoraal ka hadlayaa Faa,iidada iyo khasaaraha , Barnaamijka cusub ee Roadmapka‏

by admin | Thursday, Dec 15, 2011

SOOMAALIYEEY ROADMAP MA SAMAA, MA SIRBAA , MA SAXBAA , MA SUNBAA ?

Waxaan mudooyinkan u badan hadalka umada soomaalida waxyaabaha ay is waydiinayaan faalaynta iyo falanqaynta qorshaha cusub ee (Roadmapka) la yaab maleh waxaan soo marnay marxalado badan .

Qorshayaal iyo ajandayaal badan oo ujeedo badan ah mid waliba wacyigiisa iyo waqtigiisa lahaa waxaan soo marnay sheekooyin badan oo taxane ahaa oo aan maalin walba waxaa lay noo keenayaa eray cusub oo macno cusub wata sanadkan waxaan aad ugu mashquulnay , arimo badan , Shirkii kampala, xadayntii bada,shirkii wadatashiga hadana waxaa bilowday sheekadan cusub ee loogu magac daray roadmap.

Dusha sarena waa malab

Doocaan sidiisii

Hoosta dabaa yaal

Iyo dig holcaysoo

Wax u dagamsan baa jira

Dadku waxuu jeedaa

Muuqaal duleedkee

Haddii diirka laga rog

Dabinadan la qoolee

Lagu dagayo soomaal

Way dareemi laayeen

bal qodobadan ila qiimeeyaa shacaboow

1:- Dowladu way ka baxaysaa waqtiga ku meelgaadhka waxayna noqonaysaa dowlad dhexe oo dhamaystiran.

2:- waxaa loo gudbiyaa nidaamka xisbiyada badan ee ku salaysan doorashada shacabka inay iyagu rabitaankooda wax ku doortaan.

3:- Dastuurka qabya qoraalkiisa waa la dhamaystirayaa wadankana waxaa loo samaynayaa sharci iyo dastuur afti loo qaado oo lagu maamulo.ö

4:-Tirada baarlamaanka iyo tayadiisaba waa la koobayaa waxaana laga dhigayaa qaab waafaqsan xaalada iyo marxalada soomaaliya

5:- hadaad aqrido waxaad arkaysaa , wax ka bedel waxaa kor lagu soo xusay oo macnaheedu yahay (Qariirada wadada qaloocan)

Waxbaa laysku dhex qaldayaa , wax badana waa qarinayaa oo qariban, taladu maaha mid dadka ka dhaxaysaa, qolo qalin shubato ah ayaa qaabkay rabaan u dhigayaa

waa sheekadii libaaxa ee iyo qaybtii dawacada , ciiwaanka qoran maahee waxyaabo kale ayaa qarsoon waxaana taas kuu cadaynayaa inaysan bulshadu ka wada qayb gelaynin waxaa la yidhi daa,uusku waa koow quruxna loo daa waxse loogu daw galay nabaraan dawo lahayn. gobolada Bartamaha iyo koonbfurta iyo bariga soomaaliya oo ka koobnaa

13 gobol ayaa waxaa ka qayb gelayaa keliya 3 gobol 10 meeshaba lama keenin , sidaa awgeed waxaa halkaas kaaga muuqda duudsi iyo cadaalada daro la doonayo

in mar kale madaxa laysu geliyo ciyaartana halkeedii dib uga soo bilaabato. Dadka soomaaliyeed marka laysku dirayo, qolaa loo sedburiyaa qolona waa la qadiyaa si ay isugu qabsadaan arin iyo hawl ay wanaag ku qaybsan karaan

qorshaha roadmapka waxaa ka maqan

Hadaba sheekada si loogu celiyo dib , meeshay ka timid shalay, ee keentay in gobol waliba magac la baxo, ee keentay in jamhuuriyado soomaaliya kala noqoto ee keentay in xadad la kala samaysto ee keentay in lays aamini waayo ee keentay in nacaybku gaadho heer cadow laysu adeegsado ee keentay in dalkii dhamaa iyo dadkii dhamaa ee soomaali la odhan jiray la waayo waxay ahayd cadaalad daro Roapmapkuna waa wadadii cadaalad darada cusub.

Waxyaabaha sababay inay soomaaliya kala tagto, waxaa ugu cadaalad darada iyo sedbursiga iyo nin jeclaysiga, waxaad ogtahay shalay dhibkaad ka soo martay iyo kulaylkii inaad maanta dib u raadsato waa caqli xumo soomaaliyeey.

Bulshada caalamka ama dowladaha soomaalida dhibkeeda daneeyaa waxay mudo ku halqabsan jireen iyo wadanka xasilooni daro ka jirto gebi ahaantiis balse maanta waxaa

Muuqata yididiilo bulshadii oo u bisil inay hesho nabad , dowlad iyo nidaam iyo kala danbayn.

Balse yaan la ilaawin waxii shalay dhacay dadkii dhigay inay wali maanta joogaan oo halkii sartu ka qudhantay dib loo maleegayo hawsheedii lana wado kala daadin iyo isku dir iyo kala dil hor leh

Barnaamijka roadmapku waa cadaalad darado soo fool leh , waa kalsooni daro iyo kala fogaansho dariiqiis, waxaa dowladii cali mahdi laga dhaxlay, colaad sokeeye oo markii danbe dhashay 500 hogaamiye kooxeed

Waxaa dowladii Cabdiqaasim laga dhaxlay , 4.5 iyo sedbursiinyo kuwana loo buriyey kuwana xaqoodii laga duudsiyey.

Waxaa dowladii cabdilaahi yuusuf laga dhaxlay , ciidamo shisheeye iyo qabtaay aan xukumee

Dowladan shariifna hadaanay ka waantoobin waxaa laga dhaxli doonaa , 1.0 iyo Saxeex aan laga fiirsan, Dowlad dibad looga taliyo, dal dad waayey ayaa k dhici doontaa waxaana dib loogu noqonayaa wadadii mugdiga badnayd ee hore looga soo gudbay .

Waxaa wado loo xaadhayaa colaad sokeeye , is aamini waa, kala fogaansho iyo in soomaaliya noqoto sidii undulus 500 jamhuuriyadood oo aan si dhexmarin hadaan barnaamijka( ii badi iyo ii buri) layska dhaafin oo aan umada soomaaliyeed si cadaalad ah iyo wanaag wax loo qaybin waxaa lagu noqonayaa meesha laga yimid iyo raad arooryo

Hadaad u qiil samayn

Qorsha nabadiyo midnimo

Mudaad qorigii dhigtoo

Qabiilkii aad nacdoo

Dadyahaw qaranimo rabtee.

Dabinka kuu qoolan waa

Qableeydaa lagula rabo

Qasaarihii hore u dhacay

Qudhgooyadii gacalka iyo

Qamuunyadii hore ku noqo

Qabqablaha gacanta sii

Qoryaha soo wada rakiba

Qalalaasiyo dagaal

U qalab qaatoo dhamaan

Qaybi xukunkii ku noqo

Waxaad cadaalada ku wayday , ee aad sinaan ku keeni wayday, ee aad midnimo ka heli wayday sedbursiinyo, iyo aniguu igu sanyahay ma ku suura gelaysaa waa su,aale.?

(Xigmad baa tidhaahda hadaan sacabka xeel laga lahayn maxaa habeenkii loo tumaa

Xigmad kalena waxay tidhaahdaa xalaal iftin baa la qashaa )

Waxaan ula jeedaa haddii wanaag iyo soomaalinimo la rabo oo dalka wax loo qabanayo

Maxaa roadmapka aqoonyahanka u diiday in laga qayb geliyo?

Maxaa u diiday odayaasha dhaqanka in laga qaybgeliyo?

Maxaa u diiday majmaca culumada in laga qayb geliyo ?

Maxaa u diiday bulshada rayidka ah in laga qayb geliyo?

maxaa u diiday xisbiyada siyaasadeed in laga qayb geliyo?

Maxaa ku koobay labo maamul goboleed iyo dowlada ku meelgaadhka ah, iyo ururada hubaysan?

Umada kale ee aan deganayn labadaa gobol ee soomaalida ah yaa metela yaase ka masuula

Walee nin hurdooy haloowday dantaa !!!

Xulashada xubnahu qaab kooxaysi kuma salaysna , qaab gobolaysina kuma salaysna qaab beeleedna kuma salaysna qaab ay soo samaysteen nimanka sunta soomaali u walaaqayaa oo la doonayo in dib loogu celiyo 1990 soomaaliya 21 sano oo dib u noqoada ayaa wax lagu qaybsanayaa.

Anigu uma doodayo qolo saamigeedii ka qaday, iyo qolo aan laga qaybgelin toona ee waxaan arkaa haddii waxsan la doonayo in aan wadadeedii la haynin haddii suluf iyo colaad abuur la doonayona in wadadii loo mari lahaa ay tahay roadmapka.

Maxaa sababay in xaalad abuur la kala dhex dhigo bulshada soomaaliyeed caasimada waxaa ka soo muuqda xasilooni bulshada caalamkuna waxay arkayaan inay soomaaliya nabad gelyadeedu ka soo raynayso, in badan oo maamulo ah ayaa jira oo kala duwan hadana caasimadii ayaa xasilooni ka muuqataa.

Dadku waa muxaafid iyo mucaarad , waxaa la kala taageeray maamul dowlo iyo wadaad madax duuban waa qadiyad meel loo raaco iyo meel ay ku dhamaato leh, waayo haddii qolo laga adkaado waxaa guulaysanayaa ra,yiga qolada kale sidaa awgeed kala qaybsanaantii baahsanayd waxaad moodaa inay meesha ka sii baxayso.

Waa duni iyo xaalkeed iyo sidii awalba laysugu diri jiray dabkana laysugu dhiibi jiree maantana waxaa la keenay qorshaha (Qariirada wadada qaloocan) xagee baa lagu tegayaa xageebaase lagu gaari karayaa hadafkan.

Haddii baarlamaanka la dhimayo tiradiisa iyo tayadiisa miyeysan mudnayn, in shirweyne loo dhan yahay wax looga dhimo ?

Haddii qabyo qoraalka dastuurka la doonayo miyuusan u baahnayn afti iyo cod in loo qaado?

Haddii dowlad ku meelgaadhka ka baxayso miyeysan u baahnayn inay umada soomaaliyeed si wada jira meel wax isula dhigto si uusan qaladaadkii hore iyo is afgaran waagii u soo noqon?

Haddii 4.5 laga gudbayo macnaheedu ma inaan ka dhignaabaa 1.0? mid qaado sadex iyo badhna tuur waa duniyo xaalkeed ka daroo dib dhal weeyaan, kud ka guur oo qanjo u guur

Isku soo wada duuboo arinta roadmapku soomaaliya ma u danbaa ,

soomaaliyeey roadmap ma samaa, ma sirbaa , ma saxbaa , ma sunbaa??

Adigoo sahanoo

Subixii u baqoolay

Seerma waydo hilaacday

Sabadii nabad taaliyo

Dhul simaar ka baxayso

Inaad seegtoo jidkiiyoo

Abaar siigo kacaysiyo

Suluf aan saxar oolin

Saba roobkuba seegay

Sanadkii ka horeeyiyo

Midka saaka la joogo

Surmi iyo biyo waaya

Soomaaliyeey ku su,aalaye

Maysa siisan lahayd

Oo maysa saari lahayd

Siraad lagu sheegay

Inuu saxaayo dadkeena

Ruudmaapkaa la sifeeyey

Soomaaliyeey idilkiin

Waa su,aal ma huraane

Ma samaa wadadiisu?

Ma sirbaa ku dhex duugan?

Ma saxbaa lagu sheegay?

Ma sun noo qarsanbaa ?

Jawaab baan sugayaa !

 

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin H. Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!