Qoraal ka hadlayaa Go,aanka kenya ee ku biiritaanka Amison iyo Gefkii ka dhacay siyaasiyiinta Soomaalida !!‏

by admin | Thursday, Dec 8, 2011

Fashilkii Azaaniya(+) Fahamyaridii Faroole (x)iyo Facsharkii Faarax macalin= ficil xumadii Aadan Madoobe?

Waxaa xus mudan in markii ay dowlada kenya ciidamadeedu ka soo talaabeen xuduuda soomaaliyaee dhinaceeda xigtainay soo baxeen oo banaanka yimaadeen waxyaabo badan oo hore u qarsoonaaiyo qorshayaal mudo la sugayey fulintooda.

Ma rabo inaan ka hadlo kuna mashquulo deegaanka jubooyinka iyo gedo lahaanshiiyahooda iyo sida loo dego waa mid umadu ka wada dheregsan tahay balse waxaan rabaa inaan bayaamiyo damaca qaldan ee ku jira hogaamiyayaasha qaarkood.

Wadanka soomaaliya waa wadan xor ahaa mudo gaaraysa 51 sano waxaanauu leeyahay xuduudo sharciyeysan oo cabirkooda iyo calaamadooda la yaqaan oo caalamiya aduunkana ka diiwaan gasahan cid wax ka bedeli kartaana aysan jirin haddaba waxaa kenya samaysatay maamulgoboleed ay hirgelinteeda lahaayeen koox beel ahaan isu kaashatay oo qolona ka tirsan tahay maamulka soomaalida kenya iyo qolyo kale oo dhinaca soomaaligalbeed iyo soomaaliyaba dega dadka soomaaliyeed waxay kala degaan shanta gobol ee soomaaliweyn laysku dhaho mana jirto maanta cid aan lahayn deegaan iyo saldhig u gaara si kastaba ha ahaatee waxaa si toos ah heshiis la galay dowlada kenya maamul goboleedkaAzaaniya oo ku salaysnaa damac beel soomaaliyeed oo aad moodo inaysan ilaa hadda la socon siyaasiyiintoodu in laga gudbay waqtigii ceelasha iyo baraagaha iyo xuduud beeleedka laysku qabsan jiray ee hada laysku haysto afkaar iyo kooxo kala mabaa,dii ah dhul boobka waqtigiisiina dhamaaday.

Hadaba markii hadalkii taariikhiga ahaa ee madaxweyne shariif dareenkiisa ku cadeeyey ee ahaa inay soomaaliya iyo dalkeeda iyo dadkeeduba yihiin xor , cid aan heshiis iyo wada hadal iyo isfahan kala dhaxayna aysan awood ku muquunin karin.

Waxaa xusuus mudan in Shan nin oo ka soo wada jeeda hal Beel oo ka mida beelaha soomaaliyeed mar keliyaqaylo ka wareen iyaga oo nin walibana sida uu doono u hadlay iyaga oo hadaladooda qaarkood aan kadareemaysay in caadifadu banaanka ka timid iyaga oo cod dheer sheegay inaan muqdisho looga talin doonin gobolada jubooyinka sida uu cadeeyey gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka kenya Faarax macalin iyada oo maqal ah halkan ka dhagayso .

http://codkaqaranka.com/dhagayso-waraysiga-faarax-macalin/

Dowlada Kenya waxay ku mudacaysay in amaankeedu khalkhal galay sidaa awgeed ay soomaaliya u soo gashay shacabka soomaaliyeed oo arintaas u arkay faragelin iyo awood sheegasho buuxda ayaa waxaa ka mid ahaa guuxooda hoose kenya inaysan maanta soomaaliya soomaliya ahayn ayay ogaatay ee naguma soo degdegteen waxaa ka mid ahaa

afkaarta shacabka erayadan.

(Haddii gurigaaga tuug ordayaa soo galo oo deriskaaga soo xaday intii deriskaaguidan la,aan ku soo geli lahaa ootuuga gurigaaga ku dhex dili lahaa waxaa ka haboon inaad ilaashato karaamadaada oo aad ka dagaalanto idin iyo amar qaadasho la,aanta).

Taas waxaan ula jeeda waxaa markiiba sida geedka likaha soo foocay prof Gaandi , Axmed Madoobe , wasiirka gaashandhiga kenya Maxamed xaaji yuusuf iyo Faarax macalin iyo Faroole oo aad moodo inay is ogayaan dhawaaq dheer iyo qaylo ayay af labadii yeereen iyaga isla markiiba ay bulshada soomaaliyeed dareemeen in ujeedada qayladu tahay(Baroortu orgiga ka saraysee ) oo aysanjirin dan soomaaliyeed soo wadaan.

Isku soo wada duub mudo dood iyo qaylodhaan socotay oo bulshada soomaaliyeed ee wadaniyiinta iyo maamulka dowladuba wadeen waxaa laysku raacay inlayska kaashado la dagaalanka kooxaha jid iyo jiho diidka ah, balse wax waliba noqdaan wax ku dhisan kuna salaysan sifo sharciya ooaan waxba u dhimayn xoriyada iyo jiritaanka umada soomaaliyeed.

Haddaba aqristoow ma ogtahay dhaawaca siyaasadeed ee ka soo gaaray Faarax macalin iyo wasiirka gaashaandhiga erayadii qalafsanaa ee ay kula kaceen madaxweynaha jamhuuriyada soomaaliya mase ogtahay aqristoow in sumcadooda shaqsiyadeed ay hoos u dhacday iyaga oo ku fashilmay damacii beeleed ee ku salaysnaa inay isku baalaariyaan gobolada jubooyinka iyo gedo ilaa xitaa bay iyo bakool mala socotaa aqristoow inay dowlada kenya ku qasabtay inay raaligelin ka bixiyaan iyo bulshada caalamkuba erayadiiqayral masuulnimada ahaa ee ay iskaga daba dhawaaqeen shantii oday ee ku heshiiyey hagardaamada shacabka soomaaliyeed.

Hadaba maxaa ka hirgalay damacii indho la,aanta ahaa Faarax macalin iyo Prof Gaandi oo sida la ogyahay siyaasiyiintan ayaa beeshoodu ka degtaa dhulka soomaaliya loo yaqaan xaqiiqada deegaanka dalka soomaaliya deegaan ahaan hal tuulo oo la dhaho ( Afmadoow) intooda kale waxay deegaan soomaali galbeed iyo soomaali NFD waxaa hore bulshada soomaaliyeedaad u naceen magaca deegaanka soomaaligalbeed oo laga dhigay magac beeleed (Ogaadeeniya) iyada oo soomaali oo dhami degantahay oo aysan jirin cid gaar u leh ayaa waxaa is siiyey hal beel oo magacii gumaystuhu ka tegay ee (Ogaadeniya ) uguna talo galay inaan lagu heshiin iyaguna hirgeliyey iyada oo taas umada soomaaliyeed la yaabanayd ayaa hadana waxaa qandaraas cusub lagu qaatay gobolada koonfureed ee soomaaliya lix goboloo ka mida ah, qandaraaskan waxaa lala galay dowlada kenya inay u qabato waxay doontana ka samaysato iyada oo aan la xaqdhawreen lana xeerinayn xoriyada iyo xeerka dowladeed ee soomaaliya .

Heshiiska iyo go,aanka kenya qaadatay ayaa hadaba waxuu beennaynayaa riyadii ahayd in dhulka soomaaliya lagu qabsado xoog dowlado shisheeye aysan iska soo geli karin heshiis iyo is afgarad la,aan jirin, golaha wasiirada iyo baarlamaanka iyo madaxweynaha dalka kenya ayaa ogolaaday inay ku joogaan Amisom ahaan dalka soomaaliya gudihiisa caawiyaana ciidamada dowlada ku meelgaarka ah intay ay awoodoodu ka buuxsamayso waxaa kale oo ay dowlada kenya ogolaatay inay sifo sharciya ku joogto dowlada kenya ciidamadeeda markii loo baahdona laga saari doonaa waxay qabanayso iyo dhaqdhaqaaqeeda ciiddana uu noqon doono mid xadidan oo lagula xisaabtamayo oo ay dowlada ku meelgaarka ah maamulayso masuuliyadeeduna saarantahay sida kuwa Amison heshiiska ay ku joogaan mid la mida.

Waxaa jirta in siyaasada Madaxweyne shariif dadku qaarkood saluugaan balse waxaan aaminsanahay inuu hubanti ka soo dhalaalay halkii looga baahnaa , tusaale ahaan wadamada yurub qofku haduu yimaado isagoo qalqaaliya oo dagaal badan oo dhib iyo hawl badan maalintuu booliiska la kulmo ka dib waxaad arkaysaa ninkii oo hoos u foorara oo warqadaha dadka kale tuuraan ku ridayaa goobaha qashinka (Rcycle bin)sharciga iyo dastuurkana dhawraya, markaad dadka waydiiso hebel maxaa iska bedelay ayaa laguu sheegayaa in Cirbad dejiya la dhaho lagu mudo hadaba shariif rag badan ayuu galay saaxada siyaasada ka saaray oo cirbada dejiya ku muday oo hadalkooda la waayey sida hogaamiye kooxeedyadii hore ee muqdisho laga fadhi waayey, kuwo dowlada hada kula jira sida xildhibaano xubno kaleba iyo kuwo banaanka ka joogaba, qaar badanoo hogaamiye kooxeedyada cusub ee maamul goboleedyada hor booda, kooxdan kenya iyo azaaniya waxaan hubanti inuu Irbadii dejiya ee kuwii hore lagu aamusiiyay lala helay oo hadalkoodii halkaas ku dhamaaday.

Dadka qaar ayaa jira neceb xaqiiqada oo haddii sida dhabta ah wax loo sheego u arkaya qalad ama been abuursida dhabta ah waxaan meeshan ku qoray waa wax umadu ka wada dheregsan tahay ogaalkiisa, hase ahaatee waxaan bulshada xasuusinayeynin amakoox ama beel ma meteli karto magaca iyo qaranimada soomaaliya .

Umada soomaaliyeed deegaan iskuma haysto maantamana jiro laba beelood oo ceel ku dirirsannin waliba deegaankiisa iyo dhulkiisa waa yaqaana ,Nimanka aan kor ku soo xusay ayaad moodaa iyaga oo aqooninay joogaan casri jaahiligiihore ee dhul kala riixasahada iyo ceel kala boobka ahaa .

Miyeysan ogayn inay kuwo horeku daaleen adeegsiga iyoiyo fulinta mashaariicda itoobiya waxbana ugu hagaagi waayeen .

Ugu danbayn waxaan u qoraalkayga ku soo af meerayaa , way fashilantayujeedadii Faaraxmacalin, faroole,axmed madoobe,Gaandi iyo Maxamed xaaji yuusufhalgankoodii xaqdarada ahaana waxuu ku dhamaaday hal bacaadku lis waxaana dowlada ku meelgaarka ah guulaysatay inay horumarkeeda siyaasadeed.

Waxaa Qoray

Cabduraxmaan S. Maxamuud

Cabdisalaad420@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!