Qoraal ka hadlayaa Khilaafka Baarlamaanka oo dhinacyo badan Taabanaya WQ.Galeyr

by Yahye | Wednesday, Jan 4, 2012

HADII LA BEDELI LAHAA  WAXBAA IS BEDELI LAHAA?

Waxaa  caalamka oo dhan dadku jecel yihiin isbedelka  hadaba isbedelka ayaa dadka noloshooda  saamayn weyn ku yeeshaa   tusaale ahaan  waxaad arkaysaa inuu qofku jecelyahay inuu  bedelo waxyaabo badan oo noloshiisa  muhiim u ahaa awal hore marka  uu helo wax kale oo uga sii muhiimsan  una geli kara booskii  awal waxuu haystay.

isbedelka  ku dhisan  siyaabaha  kala duwan waxaa jira arimo ku haboon in wax laga bedelo ama  wax ka bedelkoodu uusan dhib keenay  iyo arimo ka caagan in wax  laga bedelo   sida :- Diinta iyo caqiiqada, Go,aanka, Balanta, Guurka,  dhaqanka iyo  hidaha, jinsiga,iyo Nasabka iwm

hadaan tusaale u soo qaadano waxyaabaha ku  wanaagsan in la bedelo,  waxaad soo iibsatay shay  ama aalad aad doonayso inaad u isticmaasho  ujeedo si aad ugu gaadho  hadafkaaga,  tusaale ahaan  qalabyada  lagama maarmaan u`ah nolosha, isticmaalkiisana aad u baahantahay mar walba haddii  shaygii ama aalladii aad ka waydo intifaacii aad u soo  xulatay   waxaa lama huraan ah inaad bedesho si aad u hesho mid hawshaada kuu fududeeya sida adigu aad doonaysayna wax kuugu qabta.

Waxaa taas la mid ah oo sidaasoo kale ah  marka  ruux ama  shaqsi xil loo dhiibo maaha ujeedadu inuu yahay shaqssigan mid lama taabtaan ah oo meeshaas ama jagadaas loo xushay aan lagaga daba imanayn  ee waxuu ku jiraa  tijaabo hawleed  hadduu ku guulaysto oo  waajidbaadkiisa guto waxaa laga yabaa inuu helo  fursad  mar labaad u saamaxda  waxqabadkiisa inuu sii wado ama  sii kordhiyo, si uu bulshadiisa u   gaadhsiiyo  hadafkooda  siyaasadeed  nololeed  nidaam ahaaneed   dhaqan dhaqaale   hadduu guulaysto bakse qaybo ka mida hawlihii loo xilsaaray  gudan kari waayo waxaa laysku miisaamayaa waxaa uu qabtay iyo waxaa uu dhimay  hadba kii bataa  miisaanku ayuu dhinaciisa u badana , tusaale ahaan hadii wax dhimaalihiisa , dhagartiisa,  wax is dhaafiskiisu bato waa lays dhaafinayaa isagana, haddii horumarkiisa, dib u dhiskiisa, daryeelkiisa daacadnimadiisa badato waa la daysanayaa iyada oo dhaliishiisii horena loo sheego lana tusayo si uu u saxo .

Hadaba  maadaama aan nahay bulshadeena  soomaaliyeed  dhawr siyaabood ayay wax u xulan jireen   berigii hore  qaabka xulshada  hogaanka siyaaasadeed iyo kan dhaqanka labadaba iyada oo laguu qiimaynayo qof walba ahmiyada uu bulshada u leeyahay.

Qaabka  koowaad:- waxaa lagu xulan jiray qaab maxali oo ninkaasi inuu yahay nin bulshada isku wada kara dhinaca maskaxda, garaadka , diinta , xishoodka, deeqsinimada, xaqdahwrka  , naxariista, waa inuu yeeshaa hogaamiyaha ama beeldaajiyuhu astaamo badan oo xitaa  ay ka mid tahay muuqaalkiisa iyo haybadiisa  raganimo  hadduu buuxiyo badi shuruudaha loo baahanyahay  waxuu  noqon jiray nin la soo xulay   xitaa ma dhici jirin inuu isa soo sharaxo ee  bulshada  inta markaas  hogaan ama baarlamaan ama  xeerbeegti u ah ayaa u yeedhi jiray una sheegi jiray in isagu  noqdo  shaqsiga  hormuudka u ah  deegaankaas ama beesha halkaas degan.

Qaabka  labaad :-waxaa lagu xulan jiray   dhalasho oo  hogaanku waxuu ku koobnaa qoys sida boqortooyada ah , salaadiinta  ama ugaasyada ama imaamyada iwm  waxaana  qaabkan labaad laftiisa la waafajin  jiray kii hore oo ah nimanka dhaxalka iska leh ninka ugu mudan ee buuxin kara kaalinta hogaamiye in laga dhigo.
.

Qaabka sadexaad:- Hogaamiyaha dagaalka ayaa isagana lagu xulan jiray inuu leeyahay  xirfad dagaal ama dagaalyahay , fardafuula, geesiya, dabeecad  leh uu ciidankiisa isugu wado  dulqaad uu ku samro xiliyada dhibaatada iyo adkaysi,dareen uu ku  saadaalin karo jabkiisa iyo guushiisa iyo inuu yahay shaqsi colaad iyo nabad  labadaba qaadan kara  go,aankiisana ka midho dhalin kara  sidaas ayaana iyada oo aan tartan iyo isa sharax jirin waxgaradka beeshu ku gu`doomin jireen  inuu hogaamiye dagaal noqdo.

Qaabka afraad:-  Markii aqoonta iyo xadaaradu timid waxaa qofka lagu xulan jiray inuu shaqada xirfad u leeyahay   soo bartay ama mudo ka shaqeeyay  shaqo dowladeed  mid ganacsi iyo mid xoogba  tusaale ahaan  (Wadde baabuur qof aan weligiis noqon malagu aamin karaa baabuur xamuul ah iyo rakaabkiisa) waxaan ula jeedaa aqoonta waa u lama huraan jagada qofku qabanayo haddii uu khibrad u leeyahay dheeeraada mudo iyo haddii uu soo bartay labadaba, mararka qaarkood nin shahaado haysta  waxaa ka mudan mid aan waligiis shahaado qaadan balse khibrad badan u leh shaqada uu qabanayo ilaahayna u sahlay fahamkeeda.

Dhamaan  siyaabaha aan kor ku xusay  waxay cadaynayaan inaan bulsho ahaan  hadaan soomaali nahay lahayn  qaab  wax loo doorto oo ka heer sareeya dimoqraadiyad kasta kuna salaysnaa aqoon iyo cadaalad iyo waliba  hanaan  furfuran.  qaababka aynu soo sheegnay haddii wax lagu xusho waxaa iman kara in  qof waliba helo meeshii ama booskii uu ku haboona  , waxaa nagu dhacay hadaan nahay umada soomaaliyeed  caynwareeg  waxaan ka tagtay  habkii aan u noolayn markaan ahayn xooladhaqatada iyo reer baadiyaha  mana aynaan u gudbin qaabka xadaarada magaalada  iyo ilbaxnimada  danbe ee caalamka ku soo  korodhay  dhexdooda ayaan taaganahay labadii marxaladood.

Haddii  shaqsi walba  la waydiiyo waxuu yaqaan laguna  hagaajiyo  waxuu  yaqaan booskiisana  loo daayo  dawa iman  lahayd  dalkuna waa dhaqaaqi lahaa  isbedel la yaqaan waa ka soo bixi lahaa haddii la yidhaahdo  ama kornayl ayaa laga dhigaya wasiir caafimaad ,  digtoorka caafimaadkana laga dhigo  wasiirka gaashaandhiga looguma talo gelin wax  horumar ah iyo wax xal ah in  la gaadho.

Nin aan aqoon  shaqadiisa lamaba eedayn karo  waayo  waa taan hore ku soo xusay waa nimaan waligiis  darawal noqon loo yidhi  adigaa ku haboon ee umadan iyo hantidan  masuuliyadeeda qaad   hadduu uu dhaqaaqa baabuurka ugu horeeya dadka iyo hantida ku halaago oo  la gediyo  waa  la filayay  hadduu  ilaahay ku guuleeyana waa  arin aan la filaynayn  balse dhacday.

Waxaan  ujeedka qoraalkayga yahay  dadka madaxda hada  noo ah ma jiraa shaqsi haya jago isaga ku haboon  ama jagadaas loogu dooray inuu leeyahay aqoonteeda ama  lagu aamini karayo .Waxaynu halku dhig ka dhiganay  (Haddii la bedeli lahaa  waxbaa is bedeli lahaa) haddiise la odhan lahaa  haddii  wax la bedelayo halagu bedelo qof ku bedelma oo macnaheedu yahay  qof shaqadan qaban kara aqoonteeda iyo xirfadeeda leh  hawshan  qaban karaya barashada jaamacadaha maraykanka iyo yurub ama aasiya  shaqsiyada  qofka waxba kama bedelayso,  hadaanu lahayn  hindise iyo  hawlkarnimo  hadaanu u dhalanin waxqabad iyo garasho  laguma dhigto  jaamacadaha iyo goobaha wax lagu barto.

Yaa aqoon badnaa ragii 1960-1990  maamulka soomaaliya  ku dhex jiray   dhinac walba  iyo kuwa  1990-2012  labada waqti ee ay kala  joogeen  isku eeg xaadarada iyo horumarka dalka  markaa  siduu ahaa iyo hada  siduu yahayna isu eeg,  dadnimo ahaan  siday kuwii hore ahaayeen iyo  intay aqoontoodu le,ekayd iyo kuwan isu eeg.

Nina xeer, xaq, iyo xurmo kuma joogee  xal iyo xoog ,xeelad iyo xoolo ayuu ku joogaa  way yartahay inta shaqsiyada wadaniyadeed iyo daacadnimo lagu tilmaami karaa  dadka  maanta hogaaka dalka  haya ama  xubnaha ka ah.

Ninkii xil loo dhiiba waxuu taaganyahay waa  lay dhiibi karaa laakiin laygama qaadi karo, kii la doortaa dadkii doortay ayuu inkirayaa marka   maxaynu odhan karnaa ma dad masuuliyad hayaa mise waa umad wax kala boobaysa.

Bal hadda u fiirsada waxaa kala haysta baarlamaanka iyo gudoomiyihii hore ee baarlamaanka  markay doorteen waxuu yidhi waxaa laygu doortay kooram ama cadad  dhamaystiran  markay diideene waxuu yidhi waan kala diray 283 qof oo magaca soomaaliyeed metela  lana aqoonsaday oo magaca baarlamaanka umada soomaaliyeed ku jooga ayaa  waxuu shaqsi leeyahay iyo laba anagaa ka mudan mana bedei karaan waxba.

Gudoomiyihii hore  haddii la hor dhigay daliil cad inuusan gudan karin xilka  gudoomiyanimo  awalba waa  loo doortay ileen maaha hanti uu  isagu leeyahay ama uu ka dhaxlay   waalidkiis ee waa kusrigii golaha shacabka umada soomaaliyeed miyaysan mudnayn inuu yidhaahdo  hadaad i diideen , codkaad igu doorateena  , dib ula laabateen, waan idiin daayee, cid kale doorta.Waa  su,aale madaxda dalku waa la dooran karaa miyaa keliya ee lama diiddi karo? Aniga oo ku dabaqaya dareen suugaanee  ayaan tixdan   ku soo arjarayaa qoraalkayga  mahad

markuu darawalkii waday
doontii la baydhee
dadka iyo rakaabkii
dusha sare u saarnaa
mar keliya daryaameen
diidnay diidnay odayoo
ka deg ay  yidhaahdeen
midka kalaa diyaaree
degi maayo buu yidhi
Oday dooran baan
keli darawalbaan hay
kama dege ayaan ahay
iga daaya qaylada
duulyahow wareersani

dadkii waxay yidhaahdeen
Nimankii ku doortee
shalay duubka kuu xidhay
Kuu tumay durbaankee
Duqnimada ku siiye
Haddii ay ku diidaan
Dibna ay ka laabteen
Markaan doojin weyde
Dawliskeeda diidee
Habka loo durduuriyo
Iyada dar soo tuban
garan weyday doorkeed
iyo daajinteedaba

digdig maaha xaajadu
Iska soo dawaafiyo
Hadba dayr ku dega iyo
Dowladaha kala baro
Dantaguud ilowdiyo
Meeshii laguu dira

Markaad dacar walaaqdee
Albaabkii dabooshee
Shirarkiina  daysee
Furihii la dooshee
Dibadaha la aadee
Booliis u diratayee
Tidhi yaan la daakhilin
Haddii ay ku diideen
Ma danbibaa adeeroow

Haddii ay ku doorteen
Ooy dabaq ku saareen
Kursi dahaba  xaajoow
Maantana ku diidoo
Dood kaa diyaarsheen
Iyo mooshin daacada
Doorashana ku baaqeen
Ma danbibaa adeeroow

Doodii kamuu hadhin
waxuu yidhi ma daalihii
Kuli waa danbiiloo
Anigaaba kala diray

Dadkiina waxay yidhaahdeen
Dalka maadigaays ka leh
Dadka  malaha dookhoo
Ima diidi karayaan
Adigaa la duubane
Ma daliil quraaniyo
Waxyi soo degaad tahay

Umadyahay dantaa garo
Kii diida samahee
Marna aan dantaa wadin
Ka daliiqa dajarada
Ka dejiya xilkuu sido
Dabacsanida naga jira
Isku duubni  wada jira
Jidka dowladnimadiyo
Dawga maamul loo maro
Soomaaliyeey ku diirsada

Waa Qalinkii & Hal-abuurkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!