Qoraal ka hadlayaa Shirarka cusub ee soomaalida hada loo qabanayo WQ: Galeyr

by Yahye | Saturday, Feb 18, 2012

DASTUUR LAGU DHAQMAA , DOWLAD LAGU DHISAA, DALNA LAGU DEJAA

                                                                SOOMAALIYA KA WARRAN?

Qormadan oo ka turjumaysaa fekerka shacabka, falanqaynta siyaasada iyo arimaha soomaaliya, Ayaa waxay yeelan doontaa qaybo badan,  oo hadba qayb aan soo gudbin doonno, iyadoo la jaanqadaysaa marxaladaha cusub ee markaa taagan iyo afkaaraha dadku ka qabaan.

Ferakadaha qoramada Waxaan ka soo uruuriyaa bulshada dhexdeeda, falanqaynta iyo faallada waxaa meteli doonaa  laba nin oo la kala yidhaahdo Goobjoog iyo Garan waa waa saaxiibbo waxayna inta badan wax iska weydiiyaan isbedelada siyaasadeed iyo waxii wadankooda ku soo kordhaa, waa soomaaliya`e  hadaba aqristoow bogasho wacan.

Garan waa: War waan ku salaamay saaxiibkay Goobjoogoow, bal dadkii iyo dadkii Soomaaliya waran?

Googjoog: Waa sidaad ku ogayd, waana ka sii darayeen, waa halkii labada nin hore isu weydiiyeen, ee mid ku yidhi kii kale  (war heedheh Aabaheen ka waran? Markaasuu ugu jawaabay, oo maxaad ku ogayd?  markaasuu yidhi isagoo indho la`, waxuu yidhi dad cunnimuu ku darsaday marka sidaad ku ogayd ayaa haddana ula booca loogu tukubayaa.

Garanwaa: Maan garane, waad ogatahay inaan garan waaye ahaye, bal xaajada gunteeda maad ii sheegtid,si aan kuu fahmo?

Goobjoog: Muddo 20 sano ah waa la shirayay, haddase shirarkii ugu waalnaa  baa socda, weligaa ma aragtay shirkad kacday oo xoolaheeda la xaraashayo, oo marba qof gacanta taagayo.?

Garanwaa : Wax badan ayaan arkay, arinkaas shirkadda kacday ee maxaa inaga galay inagu ma shirkad baanu nahay wadan burburay baanu nahay, hadase dowladbaa jirtee?

Goobjoog: Armaaban ka liidanaa shirkadda, oo shirkadda milkiile u dooda oo xaqa ayaaba jiree, inaga dhulkeenu milkiile xitaa ma jiro,  afar nin ayaa masuuliyadda12 malyan oo qof qaatay! Siday doonaanna ka yeela, oo marba qolo ka baayacaya, haddase shir London lagu qabanayo lacag fiican baa loo gaadhay waana iibinaya,  ma garatay?.

Garanwaa: Waaba iib! Oo ma innagoo joognay nagu dul faasaxayaan? Miyaan waxba layska weydiinayn? Xaalku ma dhagayso ama ha dhagaysan baa  waad ku qasbantahay?.

Goobjoog:  Saaxiib soomaalidu waa tii qurbaha jeclayd ee dhamaantood buufiska dibadeed hayey, haddaa dawadoodii la helay, wadamo badan ayaa u diyaara inay la wareegay talada dalka, madoow iyo cadaana leh, xaraash ayaana loo madlay maalin la yeedhinay qoladii ku guulaysata arinkaas ayaa soomaalidana sharciyo iyo  dalku gal siin doona, markaa dawadii buufiskaaba ku jirta.

Garanwaa:Wadanka xaraashka ku guulaystaa maysagaa dalka iyo dadka xukumaya? Mise dib u dhis iyo maalgelin ayuu inagu samaynayaa? Sida walaalaheena Turkiga ee noo soo gurmaday.

Goobjoog: Waxaa laga xukumayaa dalka oo dhan hadba wadanka kugu guulaysta caasimaddiisa, Ilaahayoow may Bakiin iyo china noqoto, Adiguna waxaad qaadanaysaa aqoonsi wadankaas ah, Calankana waa la dejinayaa, waxaanan noqonaynaa  gobol ka mida  wadankaas   hadda xaalku waa sidaa.

Garanwaa: War waxaasi wax soconayaa maaha, wadan 52 sano xor ahaa, oo khariirada qaramada midoobay ku jira,  miyaa haddana lagu celinaya 1885  iyo shirkii Barlin? Miyaad waalantahay? Waxaasi socon maayaan, umaddan hore ayaa looga quustay in la gumaysto, haddana socon mayso.

Goobjoog: Awalba waan ogaa inaadan i fahmayn,  gumaysi maaha, hadda Adigaa dalbaday, waa codsi xagaaga ka tegay , tusaale  waxaad leedahay  dhul balaadhan iyo dhismayaal waaweyn, balse burbur iyo khasaare hadduu kaa gaadho oo aadan  samaysan karin, oo aad shirkad la heshiiso inay dib u dhis kuugu samayso maalgeliso ka dibna wax soo sarka  70% iyadu qaadato, Adiguna aad qaadato 30%  waa heshiis aad isuku afgarateen, 10 sano ama  20 sano ka dib waxaagii Adigaa yeelanayaa ma fahantay? Teeda kale waxaa heshiiska ku jira inaad  mudada heshiiska astaanta iyo loogada shirkadda ku maalgeliso qaadato, sidaa awgeed wadamadana hadda ayaa la billaabay, waxaad qaadanaysaa calanka wadanka ku maalgelinaya ee heshiiska aad la gasho.

Garanwaa: Waxuu yidhi ninkii jiray,     (markii hore wuu danaysan jiree  maantuu u darnaa oo dundumo koray) war heedheh dhulka umadda intaa le eg leedahay, ee  dowladda leh ee calanka leh ee aduunka ka tilmaamam miyaa shirkad  ku metalaysaa ma wax macquulaa in maanta calankeena iyo sumaddeena la dooriyo?.

Goobjoog: Maxaad tidhi calanka leh,ma dhulkeenaa calan keliya leh iyo dowlad keliya iyo maamul keliya iyo dad keliya  maxaad beenta ku falaysaa? Waxaa nahay wadanka aduunka ugu calamada badan!

Garanwaa: Horta cudurka Federaalka yaa keenay iyo calamadan badan iyo heesahan badan iyo sheekadan waalan ee (State )? Khaati ayaan ka taaganahay Anigu maalin walba markaan is idhaahdo idaacadaha dhagayso, ayaa waxaan maqlayaa madaxweyne hebel oo waraysi lala yeeshay ama shan madaxweyne oo meel wada fadhiya waxaasi macquul maaha,  maryahan faraha badan calamo maaha ee  waa iska astaan xaafadeed iyo  sumaddii xoolaha baadiyaha lagu dhigan jiray oo calan laga dhigay, ma garatay? Wadanku calan keliya ayuu leeyahay waadna ogtahay.

Goobjoog: Wallaahay waa runtaa, maanta wax macquula ayaad ii sheegtay, dadkan doonaya in loo wada heeso saqiir iyo kabiir waa dadkii kacaanka, oo mid weliba waxuu doonayaa in loo qaado (noolow ma daaliye, iyo  hebeloow na daadihiye) cudurka federaalku waxuu nagu dhacay  2004 dowladdii lagu soo doortay Kenya  waana shaxda keentay in maanta layna xaraasho!

Garan waa: Waxaan ku weydiiyay Khilaafkii Baarlamanka ka warran halkuu ku dhammaaday?.

Goobjoog: baarlamaankii laba garab  ayuu noqday, oo mid aad u buuran yahay, balse labadii garab ee bidixda iyo midigta u kala baxay, iyagaba  godkoodu biyo u galayo  hawl kale ayaa ku soo korodhay, oo ah baarlamaan sadexaad ayaa soo socdo, oo hada waxaa loo furay  shir la yidhaahdo Sandule shirkaas ayaa barlamaan cusub ayaa lagu soo samaynayaa,  tiradiisu tahay 225,  markaa labadii garab inay isku noqdaan ayaaba suuragala, waayo dhammaantood waa laga guurayaa dhawaan.
Garanwaa: Weger ma shirka Sandule  ma iyada oo la arkayo inuu yahay Sandule ayaa hadana  baarlamaan Sandule  lagu samaynaya  oo soomaali ma yeelaysaa markaa  warba adigaa haya saaxiibe !

Goobjoog: Haa, Shirani waa Sandule ,ninkii diidaa Sandule diide waa soomaali diid waxaa laga dacweynayaa  gudiga  caalamiga ah iyo qolyaha  dilaaliinta ah ee soomaalida sadaqada loogu soo dhiibo  waxaana lagu xukumay  inuu yahay  danbiile , dalka iyo dibadaba waa laga xayirayaa xoolihiisuna waa waras oo waxaa la wareegayaa oo lay qaybinayaa inta sandule ka qaybgashay cadaan iyo maddow, miyaadan xayaysiiska daawan oo aadan dhagaysan qodobada iyo qaanuunyada ka soo baxay shirka sandule  ee  hadda  lagu samaynayo baarlamaanka cusub oo tiradiisu tahay  225,  waxaa kale oo shirkaas lagu samaynayaa ,  waxyaabo badan  oo qaarkoodna la shaaciyay  qaarna  hoos laysugu sheego.

Garanwaa: Shirka Sandule ma baarlamaan kaliya ayaa lagu samaynaya  ? Mise waxyaabo kale ayaa jira ?.
Goobjoog: Waxyaabo kale way jiraan waxaa lagu soo samaynayaa  sidan:- Madaxweyne, Magaalo madax, Dastuur, Baarlamaan, Wasiiro iwm.

Garanwaa: Waan gartay oo shirkan Sandule  ma warshad dowladaha lagu sameeyaa  dowlad wayba jirtaaye inta mid kale la samaynayo maa iyada la toostoosiyo ?  waxaanse ku weydiiyay aaway wadankan madaxdiisii iyo dadkii  la doortay  miyaan dowlad iyo nidaamba ka jirin waa maxay tan cusubee hadda la samaynayaa?.

Goobjoog: Wadanka hadday dowladi ka jirto shirkan Sanduleba lama qabteen ee dowladaa dalka iyo dadka u talin lahayd  dowlad cusub iyo baarlamaan cusubna lama sameeyeen!  Dalkana looma  xaraash  geyeen  London? Sidoo kale  dalka iyo dadku muu yeesheen 500 Madaxweyne iyo 500 Calan?.

Garanwaa: Saaxiib yeelkadeeda ee Aniga camal la’aan ayaa i haysee Shirkan Sandule shaqo ma ka helayaa iyo  xaraashkan london, qaabkeebaanse isu diiwaan geliyaa?.

Goobjoog: Waxaad la xidhiidhaysaa madaxda Shirka Sandule waxaad kale oo soo samaysanaysaa  shahaado bug aha ama sharciya  noocay doonto ha noqoto xitaa shahaado shaqo sida  shahaado taxiile, ama shahaado darawal bus, ama shahaado cunto kariye ama shahaado ganacsade  u duula wadama dhawdhaw iyo kuwa fogfog , mida iyagaa kuu sheegayaa shuruudaha lagaaga baahan yahay, laakiin waxaan maqlay waa inaad waxna maqlin, waxna arkin, hadda waxaa loo baahan yahay shaqaale gaadhaya  1000 qof weliba u dhigmo 10,000 qof!

Garanwaa: Ma labadaa  shuruudood keliya! Waa basiid, horta shahaadada waxaan haystaa  waxaan ahay dilaal weyn  (Komission CV)  ayaan haystaa mukhalas caana waan ahay oo waxa dad la dhoofinayo ninka kala dira waa aniga markaa shahaado  waan hellayaa iyadu dhib uguma haysee teeda kale wax maqal iyo arag iska daaye  xitaa waxba ma ursho! Anigu wax iga dabeecad wanaagsan ma jiraan, Loox baan iska dhigayaa, ee shaqada saw xaqayga lay siin maayo uun Aniga, iska daa 10,000, waxaan u dhigmaa 100,000 qof ee shaqada ma helayaa?.

Goobjoog: Nacam, dadka loo baahan yahay ayaad tahay oo xitaa kan xaraashka waad ka qaybgeli karaysaa hadaad sidaa tahay, laakiin dadka doodda badan ee ay weli ka dhaadhacsan tahay, Dowladnimo, Caddaalad, Soomaalinnimo, Wadaniyad waa ka mamnuuc! Inay arimahan ka qaybgalaan waayo lama joogo waqtigoodii.

Garanwaa: Dalku hadduu iib yahay oo kolayba aynaan baajin karayn, arintan shirar loo  furay  maxaa noo diidaya inaan Inaguna dhankeenaa ka raacno, war sheekadu waa dadkaaga dhinac ka raac,  haddii la iibsado maxaa iga galay!  meeshaan ka galaan kuwa iibiyey ayaan ka gelayaa, balse waxaa ii dana intaan dunida joogo inaan helo uun waxaan doonayo.

Goobjoog: Ragga loo baahan yahay ayaad kow ka tahay, la xidhiidh madaxda warshadda Garoowe iyo kuwa xaraashka labadaba, waad helaysaa qaybtaada haddaad sidaa wax u  fahmaysid.

Garanwaa: Niyow goobjoog waxaan kugu jecelahay  xog ogaalnimada iyo weliba run sheega laakiin adigu kuma anfacayaan shirarkuye , dadkii axmed guray iyo  syl ayaad isku koox ahaydeen waqtigaagii  lama joogo  iska sug way imanaysaa  anigaa nimankan la xamaalan karayee

La soco qaybaha kale………………..

Waa Qalinkii
Cabdiraxiin Hilowle Galayr
Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!