Qormadii 3aad Jawaabna U Ah Barnaamijka (Xogwaran) Iyo Muqdisho Yaa Iska Leh‏. WQ: Galeyr

by Yahye | Thursday, Feb 16, 2012

DHULKAANI DADKA WAW DHAXAYS DHIISHAASE NINBA MEEL DHIGTAA?

Qaybtii Saddexaad

( Dastuurka iyo muqdisho)

Waxaa hore usoo bandhigay qormoyin oo aan kaga hadlayay barnaamijka (Xogwaran) ee Telefishinka Universal oo ku saabsanaa Muqdisho yaa leh?

Hadaba qormadan oo noqon doonta qormadii ugu danbaysay ayaa waxaan doonayaa inaan ku bayaamiyo oo aan kala saarno ku noolaanshaha muqdisho iyo lahaanshaha dadka qaar baa moodayaa inaan wax muquuninayo ama nin iska qiiraysan ahay balse iyada sharciga dalka u degansan aan eegayno waxuu ka qabo lahaanshiiyaha muqdisho iyo cida taladeeda wax laga waydiinayo aan ka bogano qodobada ku saabsan caasimada iyo maamulkeeda (Axdiga ku meelgaadhka ama Axdi qarameedka Dowlada ku meel gaadhka) Iyo Dastuurka qabyada oo labaduna ka hadlayaan awoodaha maamul goboleedyada iyo Caasimada Muqdisho.

Waxaynu ogsoonahay in caalamku umad weliba leedahay Dastuur ama heshiis umadeed ay isku afgarteen kuna midaysan yihiin qodobada iyo waxyaabaha ku qeexaan yihiina waxa ay ku kala baxayaan dhinaca nolosha iyo dhaqanka iyo maamulka dowliga ee qof weliba ku heli karayo xuquuqdiisa gaar ahaaneed iyo tan guud ahaaneedba waa muhiim in lagu dhaqmo inta umadaasi ay dhawrto waxyaalaha ay ku heshiiso ee ay ku dhigtaan Dastuurkooda hadduusan diintooda, dhaqankooda, nabadooda waxba u dhimayn . ay ka mid tahay sidoo kale waxaa muhiima in laga dhawro heshiis umadeedkaa waxyaabo dhaawici kara qaranimada umada ama beri meel ka dhac fadeexad iyo fashil ku keeni kara bulshada nabadeeda iyo nolosheeda .

Dastuurku maaha sharci dadka qaarka xuquuq siiya dadka qaarna ka qaada xuquuqdooda mana aha wax koox beel ama deegaan dantooda gaara lagu fuliyo ee waa sharci umadeed ku dhisan cadaalad iyo sinaan kaasi marnaba anigu uma jeedo dastuurka hada qoran mana dhaleecaynayo balse waxaan ka hadlayaa waxaa dastuurku yahay .

Haddaba waa su,aale maxuu dastuurka qabyo qoraalka ah iyo axdi qarameedku ka qabaan

Caasimada iyo maamulkeeda aniga oo aan ka beensheegayn ra,yigaygana ku cabirayn waxaan idiin soo bandhigayaa sida ku cad labadoodaba.

Sida ku cad axdiga ku meelgaadha ka ah, waxuu sheegay qaabka maamulada hoose, ee dowlada dhexe isugu imanaya ama federaalka caasimaduna ay ka mid noqonayso maamulada ay dowladu samaynayso sharcigooda iyo xuduudeedana dejinayso waana tan:-

QAYBTA 2AAD

JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA

QODOBKA 5

MAGAALO MADAXDA SOOMAALIYA

1. Magaalo madaxda Jamhuuriyadda Soomaaliya waa Muqdisho (Xamar).

2. Golaha Shacabka ayaa soo saari doonaa sharciga lagu maamulayo magaalo

madaxda.

Halkaas waxaa kaaga cad inaysan qolada dastuurka qoraysaa awood u lahayn xadaynta iyo maamul u samaynta ama qorshaynta caasimada ee golaha shacabka iyo shacabka soomaaliyeed khaasatan kuwa deegaanka ay khusayso maamul u samaynteeda iyo sharci dejinteedaba.

Sidan oo kale waxaa ka hadlayaa dastuurka qabyo qoraalka oo ina tusaya dhawr qaybood oo kala duwan oo ay lagama maarmaan u tahay talada shacabka soomaaliyeed ma jiro go,aan cad oo ilaa hadda laga qaatay maamul u samaynta iyo cida maamulaysa caasimada oo ku qeexan dastuurka qabyo qoraalka ah balse sadexdan xulasho ayuu soo bandhigay iyadoo taladeeduna ay ka go,do shacabka soomaaliyeed gaar ahaan kuwa deegaanka ku ah caasimada soomaaliya . Waxuu qorayaa dastuurka qabyo qoraalka ahi sidan:-

Qabyoqoraalka Dastuurka Loogu Talogalay Latashiga Dadweynaha

Qodobka 67aad-Magaala-madaxda Qaranka

Fiiro: Maqaamka Muqdisho (Xamar), oo ah Magaala-madaxda Jamhuuriyada waxaa loo habeyn karaa

Seddexda hab ee soo socoda mid kood, hase yeeshee go’aanka kama dambeysta ah waxaa lagu saleyn doonaa talooyinka dadweynuhu ka dhiibtaan Dastuurka qabyada ah xiliga latashiga dadka

XULASHADA 1aad ( Caasimad Ku-dhextaal Dawlad-Goboleed)

(1) Caasimada magaala madaxda federaalku waxay ahaanaysaa magaalo ku dhextaal dowlad

goboleed.

(2) Xukuumadda dawlad-goboleedda ay magaala madaxdu ku dhextaal, iyadoo la tashatay

Dowladda Federaalka waa in ay soo saartaa sharci gaar ah oo qeexaya maqaamka Caasimada

Federaalka.

(3) Golaha maamul ee Caasimada Federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay ilaaliyaan

mabaadi’da xiriir iskaashiyeedka ee uu dhigayo dastuurku, waana in ay si gaar ah uga heshiiyaan

arimaha canshuuraha, xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay

ama ay degentahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala madaxda.

Qabyoqoraalka Dastuurka Loogu Talogalay Latashiga Dadweynaha

31 XULASHADA 2aad(Degmada Caasimadda Federaalka)

(1) Muqdisho waxay noqoneysaa degmo magaalo madax u ah Dowladda Federaalka.

(2) Degmada magaala-madaxda federaalku kama mid noqon karto qayb ka mid ah dowlad goboleed.

(3) Xukuumada federaalku waa in ay soo saarto sharci gaar ah oo nidaamiya is-xukun dimuqaraadi ah oo lagu maamulo degmada magaala-madaxda federaalka.

(4) Sharciga doorashooyinka federaalku waa in uu siiyaa muwaadiniinta degan degmada magaala-madaxda xaq ay ku dooran karaan wakiilo u matala Golaha Shacabka, waana in aysan matalaadaas ku waayin deganaanshada ay deganyihiin degmada magaala-madaxda Dowlada Federaalka awgeed.

(5) Dadweynaha degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma yeelanayaan wakiilo Aqalka Wakiilada dowlad-goboleedyada.

(6) Xukuumada federaalku waxay awood u leedahay in ay dejiso shuruuc ayna maamusho dhamaan arimaha magaalo-madaxda iyadoo adeegsaneysa taxaha awoodaha la siiyay magaala-madaxda federaalka, hase yeeshee waxay awoodaheeda u xilsaaran kartaa golaha maamul ee caasimada federaalka si la mid ah sida ay ugu xilasaaran karto dowlad-goboleedyada sida ku cad qodobka 62aad ee Cutubkan.

(7) Golaha maamul ee magaala-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashi ee ku xusan Dastuurkan.

Qabyoqoraalka Dastuurka Loogu Talogalay Latashiga Dadweynaha

XULASHADA 3aad (Caasimad ah Dawlad-Goboleed)

(1) Magaalo-madaxda federaalku waxay noqonaysaa dowlad-goboleed;

(2) Magaalo-madaxda federaalku kuma biiri karto gobol kale, mana noqon karto qayb dowlad goboleed kale ku dhul ballaarsato.

(3) Golaha maamul ee magaalo-madaxda federaalka iyo xukuumada federaalku waa in ay dhowraan mabaadi’da xiriirka iskaashiga ee ku xusan dastuurkan. Waa in ay si gaar ah ugu heshiiyaan arimaha canshuuraha iyo xeerarka kale ee nidaaminaya dhulalka iyo dhismooyinka ay leedahay ama ay deggantahay xukuumada federaalku ee ku dhexyaal magaala-madaxda

Ma jirto qodobadan mid dhigaya deegaanka caasimadu waa la wada leeyahay ama dadka soomaaliyeed ayuu ka dhaxeeyaa tusaala ahaana qodobkan eeg:-

Xulashada 2aad qodobka shanaad waxuu qeexayaa sidan:- (5:Dadweynaha degan degmada magaala-madaxda federaalku kuma yeelanayaan wakiilo Aqalka Wakiilada dowlad-goboleedyada)

Maadama shaqsiga deegaanka reer muqdisho golayaasha gobolada kale waxba ka noqon Karin aqaladiisa , barlamaankiisa iyo golihiisa deegaanka, waa hubaal inay taasi cadaynayso ninka gobol kale kasoo jeedaana inuusan xaq ku lahayn ka mid noqashada maamulka deegaanka caasimada muqdisho maadaama aysan jirin awood ninka gobol kale ka yimid aysan jirin xeer iyo xuquuq uu kaga mid noqon karaa caasimada iyo maamulkeeda deegaanka,

Inta badan qoraalkayga waan ku kala saaray shaqada dowlada federaalka iyo maamul goboleedka ama maamulka hoose ee caasimada inay laba kala yihiin, ninkii doonaa gobolkuu doono haka yimaadee , dowlada federaalka wasiir, agaasime , maamule, maareeye, taliye wuu ka noqon karaa

Balse inta maamulgoboleedyada ama gobolada kale xaq u leeyihiin maamul hoosaadka ayay caasimada iyo deegaankeeduna xaq gaar ah u leeyihiin mana aha wax dadka kale kala dhaxeeya.

Si aan shakiga iyo muhmalka uga saarno haddaba dadka degan ama deegaanka ku ah magaala madaxda dalka soomaaliya waxaa la gudboon ( boodo kulaylkaa lagu qabtaa ) inay waxgaradka golayaasha dhaqanka, aqoonyahanka, dhalinyarada , haweenka ku dhaqan deegaankaas inay ka hadlaan kana soo saaraan mawqif midaysan oo aan sharciga iyo dastuurka iyo xoriyada dalka midna waxba u dhimayn ku xadgudbayn soomaalinimada iyo deegaan wadaaga iyaguna ay ku helayaan xuquuqdooda gobol ahaaneed degmo ahaaneed iyo deegaan ahaaneed.

Barnaamijyada laga baahino telefishinada waxay salka ku hayaan isku dir iyo belo afuuf ay horseedayaan qaybo ka mida warbaahinta iyo dadka jecel iska hor imaanshaha bulshada soomaaliyeed .

Sida aan ognahay deegaan iyo deegaan ka mid noqosho waxay kala yihiin laba arimood haddii wadamada aduunku maaha isku sharci qolo waliba waa waxay ku heshiiso iyada oo aan lagu salayn wadan hebel iyo meel hebla toona.

Waxaa haboon dadka deegaanka gobolka banaadir ee caasimada muqdisho, degmada xamar inay iyagu samaystaan maamul xor ah kana diiwaan geliyaan dowlada dhexe si ay wax ula qaybsadaan waxna ula qabsadaan walaalahooda soomaaliyeed.

Haddii dowlada federaalka ahi dejiso xeer cusub oo loo codeeyo inta sano ama inta shuruudood ee shaqsi deegaan ama gobol kale kaga mid noqon karo kuna yeelan gobolkaas waa mid loo baahanyahay taasina waxay saamaynaysaa gebi ahaan dalka oo dhan oo ma noqon doonto mid ku kooban caasimada in la wada dego ama deegaankeeda la wadaago iyo maamulkeedaba.

Waxaan ugu baaqayaa qaybaha kala duwan ee dadka deegaanka muqdisho inay iyagu yihiin dadka gudiga dastuurku ka rabo inay ka hadlaan oo codkooda bayaamiyaan oo dhawaq dheer ku sheegaan xuquuqdooda iyo waxa ay doonayaan, ma aha suuragal in lagu riyoodo in nidaamka 4.5 muqdisho lagu wadaago ama ay noqoto meel aan la kala lahayn waa inay bulshada deegaankaas ku nooli

Si dhaba uga hadlaan ugana hortagaan gufaacooyinka siyaasadeed iyo dabinada miliqsan ee dadka qaran dumiska ahi kula dhex wareegayaan bulshada dhexdeeda iyaga oo hurinaya colaad iyo kala fogaanshaha umada soomaaliyeed waxaa laga rabaa shacabka soomaaliyeed intay goori goor tahay ee aan xeedho iyo fandhaal kala dhicin inay mawqif cad iska taagaan reer muqdisho arimahan aan soo sheegay.

Dastuurka qabyo qoraalka ah waxuu soo jeediyay sadex talo midkood iyo waxii lagu soo dari karo

Axdi qarameedkuna sidoo kale waxuu u xilsaartay barlamaanka iyo golaha shacabka qaabka maamul u samaynta iyo maaraynta gobolka banaadir.

Haddaba maxaa la gudboon reer muqdisho, waa inay abaabulaan siday nabada uga shaqayn lahaayeen deegaankoodana u horumarin lahaayeen nidaam iyo maamul ay ku midaysan yihiina uga hirgelin lahaayeen waxaa la gaadhay waqtigii dadku xaqiiqada fahmi lahaa, dhibaatada ugu badnayd ee ka dhacda wadanka soomaaliya waxay qabsatay dadweynaha degan caasimada iyo deegaankeeda hadana hadday horumar la gaadho waxay u gaar tahay dadka degan iyo deegaankeeda sidii shalay dhibka ugu mareen deegaankaas inay maanta dheefteeda helaan.

Waayo ma jirin shalay dhibaatada magaca caasimad ahaan ku gaadhay dadka ku nool gobol la qaybsaday sidaa awgeed ma jirayo dheefta gobol ahaaneedna gobol la qaybsanayaa.

Dadka soo degay muqdisho, xiligii xoriyada ka dib ama ku dhashay ama ku koray waxay leeyihiin xushmadooda iyo xaqdhawrkooda sida dhaqanka soomaaliyeedba ahaan jiray in ninkii dhex dega deegaamada soomaaliyeed aan dhul iyo ceel iyo dheef midna loo sheegin jirin ilaa hadana soomaalidu is dhex degto taasi waa dhaqankii marti gelin iyo soo dhawaynta ahaa ee weligeed lagu yaqaanay gobol welibana waa laga doonayaa arinkaas ilaalinta xuquuqda shacabka soomaaliyeed ee aan gobolka u dhalan iyo mudnaantooda.

Sidaa awgeed waxaan qoraalkayga ku soo afjarayaa Idaacadaha, Telefishinada isku mashquuliyay arintan iyo kuwa ka qayb qaadanaya iyo kuw laabta ku hayaaba inay ogaadaan xaqiiqada.

Waxaan halkan fariin ugu gudbinayaa dadka reer muqdisho inay aayahooda ka tashaadaan oo ay talo muhiima ku darsadaan qabyo qoraalka dastuurka iyaga oo go,aan midaysan ku duulaya.

gebi ahaan shacabka deegaanka caasimadu waa inay banaanbaxyo nabadeed iyo shirar ku soo bandhigaan fekerkooda waana inay xuquuqdooda ilaashadaan deegaan ahaaneed

Sadexdan xulasho ee uu dastuurka qabyo qoraalku qabona inay tii la haboonaata hirgeliyaan .

Wabilaahi tawfiiq

Fiiro Gaara: Qof kasta oo qaba su,aal ama dood ku saabsan qoraalada ka hadlayaa xuquuqda deegaanka caasimada waxaan u ahay aniga iyo inta igu mabda, ahiba diyaar inaanu ka jaahil bixino

Wax isweydiini ma xumee wax is waydaariskaa daran:-

Waa Qalinkii

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

Hiiraan Net

Webmaster@hiiraannet.com

Hiiraannet@hotmail.com

Hiiraannet@gmail.com

Like it? Share it!